|

Wasiirka Madaxtooyada oo Mar kale Maanta Hortagay Golaha Wakiilada iyo Qadiyada Wadooyinka {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta Mar labaad hor tagay Golaha Wakiilada ee Somaliland isla markaana faah faahin ka siiyay Mudanayaasha Dayac Tirka iyo Dhismayaasha Wadooyinka .

XIRSI BAWDO GAABFadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Waxa uu Wasiirku Tilmaamay in Sababta Wasaarada Madaxtooyada loo Hoos keenay Hay’ada Wadooyinka Somaliland ay salka ku haysay kadib markii Wasiirkii Hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Khubaro kale ay ku Taliyeen inaanay Is bixinayn Hay’ada Wadooyinka Somaliland ee Hore loo odhan Jiray SRA,Waxaa kale oo uu Tafaasiil ka bixiyay Qaabka ay Hay’adani u Shaqaynayso iyo Wadooyinka dalka laga hirgaliyay Iyo Weliba Qorshaha ku talo gal ee Xukuumada uga Meel yaal Hagaajinta Waddooyinka oo Noqday Halka ay Shilalka Ugu badani ka dhacaan ee sababa Khasaaraha kala duwan.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Warbixinta Wasiirka Madaxtooyada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Hirsiwado19.mp3″]

 

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed