Wasiirka Caafimaadka oo Aqoon korodhsi ku wajahan Nidaamka Xog Ururinta u soo Xidhay hawl wadeeno ka Tirsan Wasaaradiisa
Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee JSL Md saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) ayaa maanta Magaalada hargaysa tababar ugu soo xidhay shaqaalaha caafimaadka ee gobolada Awdal iyo maroodijeex.
Tababarkan oo ka soo qaybgalayaasha u socday muddo 10 cisho ah ayaa lagu baranayey nidaamka xog ururinta iyo gudbinta iyadoo la adeegsanayo aaladda casriga ah ee Computer-ka.
Madaxa waaxda xog ururinta ee wasaaradda caafimaadka Cabdilaahi cabdi yuusuf oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in nidaamkan barashadiisu ay wax weyn ka tari doonto ururinta xogaha iyo soo bandhigidooda ama wax ka qabashadoodaba, ayna meesha ka bixi doonto in xogtu dib u dhacdo.
Hawlwadeenada tababarka loo qabtay ayaa iyaguna waxay halkaa ka sheegeen in waxyaabahii ay tababarkani ka korodhsadeen ay wax weyn ka tari doonto gudashada waajibaadkooda isla markaana ay u fududayn doonto inay xogaha ugu kala gudbiyaan Gobolada Somaliland iyo xarunta dhexe ee wasaaraddu ku leedahay magaaladan caasimadda ah ee hargeysa.
Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) wasiirka wasaaradda caafimaadka oo isna xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay ayaa ballanqaaday inay wasaarad ahaan ka go’an tahay in la kobciyo isku xidhnaanta shaqaalaha wasaaradda ee dalka guud ahaan ku sugan lana kordhin doono helitaanka xogaha caafimaadka la xidhiidha.
Dr saleebaan Ciise waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka ee tababarka qaatay inay ku dadaalaan sidii looga midho dhalin lahaa siyaasadda caafimaad ee dalku leeyahay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com