Ra’isal Wasaare Saacid oo Gaadhay Magaalada Sanca ee dalka Yemen
Sanca 09.Sep 2013 (SDN)- Raisalwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sanca ee dalka Yemen.
Wafdiga uu horkacayo R/wasaare Saacid oo xalay ka degay magaalada Sanca ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, waxaana la filayaa in R/wasaare Saacid uu kulamo la qaado madaxda dalkaasi, ayna ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka Labada dal.
Booqashada R/wasaaraha ee dalkaasi ayaa ka dambeeysay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda ugu sareeysa dalka Yemen, iyadoo R/wasaaraha iyo wafdigiisu ay soo gebagebeeyeen booqasho ay ku joogeen dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Safarka R/wasaarahe Saacid uu ku marayo wadamada deriska ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladu ugu jirto xoojinta xiriirka ay dowlada Federaalka Soomaaliya la leedahay wadamadaasi.
Sanca SDN.
Qurbejoog.com