|

Shirkii Bruseles oo Kaabiga Inagu Soo Haya iyo Wasiiradda lagu wado Inay ka Qayb galaan.

Brusels: 9-Sep-2013 –(SDN)- Waxa soo dhawaatay muddada lagu wado inuu furmo shirka Magaalada Brusels ee dalka Beljium 16-ka bishan aynu ku jirno, kaas oo diyaargarowgiisu ka socda soomaaliya iyo dunida kaleba.

new dealShirkan oo loogu magac daray  Hiigsiga Cusub (New Deal) ayaa beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah, oo lagu Maalgelinayo, laguna Horu-marinayo dalka Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan dunida deeqda bixisa, ta fikirka bixisa, Beesha Caalamka, Hey’addo Caalami ah iyo Diplomaasiyiin ka tirsan QM,  waxan si wada jir ah u Guddoomin doonaa Haweeneyda Dhinaca Siyaasada Arrimaha Dibadda u qaabilsan Midowga Yurub, Catherine Ashton iyo madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud

Sidoo kale waxa lagu wadaa inay door muuqda ku yeeshaan wasiirro ka tirsan dawladda Federalka soomaaliya oo wasaaradahooda la doonayo inay ka faa’iidaystaan dhaqaalaha goobtaas lagaga yaboohi doono.

 

Shirkani Ayaa Qorshaha Yahay Inay Ka Qeyb galaan Dhinacyada Kala Duwan Ee Soomaalida Oo Inta Ugu Badan Looga wada Hadlayo Dib U Dhiska Dalka Soomaaliya.

 

Labada haween ee wasiirada  Xukumada Soomaaliya Foosiya Xaaji adan,Iyo maryam Qasim Oo kala Ah Wasiirka Arimaha Debada Iyo wasirka Adeegga Bulshada Xukumada Soomaaliya

Drs Maryma qaasim oo iyada  ay Hoostagaan Dhowr wasaradood Oo Dowlada Soomaaliya ka Tirsan ayaa lagu wada Inay  Noqonayso Wasiradda  Ugu Muhim san Maadama arimaha Looga hadlayo Shirka Ugu Weyn tahay Dib u Dhiska dalka Soomaaliya Ayna wasaaradaha Iyada Hoostaagaan.

 

Sidoo kale  wasiiradda Arimaha Debada Xukumada Soomaaliya foosiya Xaji Adan aya halkaasi hadal ka Jeedinaysa Sida wararka Sheegayaan waxayna Ka Waramaysa  wax qabadka Iyo xidhiidhka Dowlada Ee wadamada Calamka Deeqaha Bixiya ballan qaadkana Hore u galay.

 

Sidoo Kale wasiirrada Ka Qeyb galaya Shirka Waxa Ka mida wasiirka gaashandhiga Xukumada soomaaliya Cabdixakim fiqi  Oo isagana Ka Mid ah wasiirrada halkaasi lagu  Casumey inay ka qeyb galaan shirka.

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed