Diyaaradda Ethiopia Airline Oo Ka Cago –jiidaysa inay ka duusho Garoonka Hargeysa iyo mudaharaad ay sameeyeen rakaabkeedii
Hargeysa:9-Sep-2013 (SDN)- Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Airline ayaa maalintii shalay diidday inay soo cago dhigato garoonka dhawaan casriyeynta lagu sameeyey ee Hargeysa, taas oo keentay dhibaato ku timaadda dadkii rakaabka ahaa ee raaci lahaa.
Xafiiska ay diyaaraddu ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa ku wargeliyey dadka rakaabka ah ee raaci lahaa inay diyaaraddii Go’aansatay inay cago-dhigato madaarka Berbera, taas oo keentay in dad badani oo rakaab ahi ay arrintaas mudaharaad ka sameeyaan.
Arintani ayaa yaab ku dhalisay dadweyne u badnaa qurbo-joog oo usoo raacayay diyaaradani ilaa Addis ababa,si ay uga sii gudbaan dalalkii kale ee ay ka yimaadeen, waxana dadkaas loo daad gureeyey Basas si loo gaadhsiiyo Magaalada Berbera oo ah halka ay diyaaradda Ethiopia Go’aansatay inay ka hawl gasho.
Arrinta keentay inay diyaaradda Ethiopian Airline ay ka cudur daataratay inay ka soo degto garoonka Hargeysa, iyadoo sababtana ku sheegtay inay jirto qabyo ka jirta dhinaca dayrka ama xayndaabka madaarka oo aan wali la dhisin, taasina ay warwar dhinaca ammaanka ku hayso maamulka diyaaradda.
Maamulayaasha Gegida Cigaal international ayaa iyagu ku adkaysanaya inay garoonka ka dhigeen mid wax waliba u dhamystiran yihiin oo aanay qabyo ka jirin, islamarkaana aanay ka jirin wax saluug ah oo dhinaca ammaanka ahi, balse diyaaradda Ethiopian Airline ay waddao wax ka bad-badis ah oo laga maarmi karo.
Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa iyadu dhibaato badan ku haysa dadka Rakaabka ah ee dalka iyo dibadda iskaga gooshaya, iyadoo soo saarta warar is khilaafaya oo ku saabsan duulimaadyadeeda.
Madaarka Hargeysa ayaa dhawaan uu madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray,waxaana lagu sameeyay dib u habayn isla markaana waxaa lagu daray dhismayaal casri ah dhanka kalena waxaa soo baxaya in dhaqaalihi loogu talagalay Madaarka ee Kuwait ku deeqday la musuqmaasuqay,lama oga xaqiiqda cadadka lacagta ee la galiyay madaarka iyo inta jeebka lagu shubtay ,balse diidmada Ethiopian Airline Ee Madarku waxa ay iftiiminaysaa fashilka dib u dhiska madaarka taas oo waji gabax ku noqon karta shacabka reer Somaliland oo uu sii yaraanayo aaminaaddii ay xukuumadda ku qabeen.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com