Shabaab oo Xalay Dagaal Xooggan ku ekeeyey Jaamacadda Kismaayo
Kismaayo:9-Sep-2013(SDN)-Kooxo si aad ah u hubaysan oo ka tirsan Al shabaab, ayaa habeenkii xalay weerar culuss ku qaaday dhismaha xarunta jaamacadda kismaayo.
Kooxahan ayaa si kedis ah ah u soo weeraray Dhismaha Jaamacada, oo ku yaalla dhinaca Waqooyi ee Kismaayo, balse uma ay suurto gelin inay galaan Gudaha Jaamacadda ka dib markii ay ciidamo goobta joogay.
Wajahadda hore ee Dhismaha waxaa fadhiisimo ku leh Ciidamada Militariga ee Kenya, ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba.
Hubka cul culus ee dagaalka oo la isku adeegsday, ayaa xalay si weyn looga maqlaayay inta badan Magaalada Kismaayo, isla-markaana weerarka ayaa ahaa mid ka duwan, kuwii ay muddooyinkan soo qaadayeen Shabaabku.
Dhinacyada dagaalamay ayaa muddo hal saac isku haayay halkaasi, iyadoo kolkii dambe dib loo eryay Ciidamadii Shabaab, ee weerarada abaabulan ku soo ekeeyay Dhismaha Xarunta ee Jaamacada Kismaayo.
Dagaalka ayaa wuxuu geystay khasaarooyin labada dhinac ah, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Saraakiisha Ciidamada Jubba, balse waxaa adag in si sax ah loo ogaado, heerka uu gaadhsiisan yahay.
Dagaalka ayaa ku soo beegmaya, xilli Madaxa Ciidamada ee Maamulka Jubba Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud, uu shalay sheegay inay Magaalada Kismaayo, ku soo qab qabteen rag Shabaab ka tirsan iyo hubkoodiiba, isla-markaana ay daciiftay awooddii Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com