|

xasan ciise iyo faysal iyo Raggii dawladda ku soo tabcay yaanay dar jiidhin oo sida Dhallinyarada Suuqa Joogta yey u Hadline…………” Xaaji Cabdi waraabe

 

Hargeysa:9-Sep-2013 (SDN)-Xaaji Cabdiwaraabe oo ka tirsan Odayaasha ugu da’da weyn reer Somaliland kana tirsan xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay mucaaradadda ay banbaxeex Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku.

 

IMG_0871Xaajiga oo maalintii shalay ka hadlayey munaasibad lagu furayey Dugsi Kaafi oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, ayaa xubnahan Madasha wada-tashiga si dadban ugu sheegay inay kala galaan axsaabta qaranka, intaas ka dibna sidii ay dan moodaan u hadlaan, “ Faysal iyo colkiisu ha joojiyaan Tuurtuurka, xisbiyada hala Galo, waayo xisbigu siduu doono ayuu u hadlayaa, mucaaradkuna yuu Dawladda Daldaloolinine wixii dhiman ha sheego tan iyo yoomal qiyaamahana waxbaa dhiman” ayuu yidhi xaaji cabdi waraabe.

 

Xaaji cabdi oo mar kale rag uu faysal  cali waraabe ka mid yahay waanooyin muxaafidnimo siinayey ayaa yidhi, “Ninkii mucaarid ah ee faysal ka midka yahay si  basar leh wax ha u sheego oo madaxtinimadiisa yuu dumin,Xukuumadda hala garab joogsado oo yaan laga hor iman ilayn haddii laga hor yimaaddo waxba ma wadi karaysee”

 

Sidoo kale waxa uu xaaji cabdi waraabe ka markhaati kacay inay jiraan waxyaabo badan oo wali ka dhiman dhinaca aasaasiyaadka  nolosha, “Wax badan baa dhiman oo biyuhu kaw ka yihiin, shacabkiina waa oomman yihiin, ceelashiina waa la qoday haddana oon baa jiraa,  oo Daacad baan inta socota raggii hayey ka ahayn, dawladduna meelaha halbawlaha nolosha ah haka hadasho  oo biyihii iyo sibidhkii haka hadasho laydhkiina ha raadiso” ayuu yidhi cabdi waraabe.

 

Waxa kale oo uu xaajigu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la isku duubnaadaa, waxana uu yidhi, “Si ha la isula tallaabsado oo ha la isla socdo, wax nacabka ka farxiyana mucaaradku ha iska ilaaliyo, naf walibana iyadoo wax sheeganaysa muxaafid ha noqoto”

 

Xaaji cabdi oo si toos ah u tilmaamaya tacabka ay dalka soo geliyeen xubnaha Madasha wada-tashigu waxa uu yidhi, “ Laakiin xasan ciise iyo faysal iyo Raggii dawladda ku soo tabcay  ee masuulka ahaa  ee madaxnimada  shalay hayey yaanay dar jiidhine si daw ah oo Odaynimo ah wax ha u sheegteen, sida dhallinyarada suuqa joogta yey u hadline waa madaxe si madaxtinimo leh ha u hadlaan, shir Beeleed Goortan inay Abaabulaan idiinma qalmo oo idinkaanay sharafkiina ahayn”

 

Mar uu xaajigu ka hadlayey dhaqannada ka dhexeeyey isaga iyo madaxweynayaasha, waxa uu yidhi, “Anigu madaxweyne walba waan la hadlay laakiin ma caayo, ninka madaxweyne caayaana isagaa is caayaya”

 

Xaaji cabdi waraabe oo caan ku ah inuu difaaco xukuumad kasta oo Somaliland ah oo dalada dalka qabata, ayaa haatan si toos ah uga horyimi in la qabto shirkii qaran ee hore ugu baaqeen Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku, waxana uu dhamaanba shacabka reer Somaliland ku boorriyey inay taageero buuxda siiyaan xukuumadda haatan dalka ka jirta.

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed