Madaxweynaha Syria oo TV Mareyknka laga leeyahay u sheegay in aanu Sun shicibkiisa u isticmaalin
Washington Sept 09,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Syria Bashaar Al Asad ayaa wareysi uu siiyay TVga CBS ee dalka Mareykanka waxa uu ku sheegay in aaney jirin cadeymo muujinaya in uu shicibka dalkiisa sun ku laayay.
Madaxweynaha Syria ayaa wareysigan uga gaabsaday in uu qirto in dalkiisu heysto sunta wax gumaada ee Serin.
Madaxweyne Asad ayaa dalbaday in dunida loo soo bandhigo cadeymaha muujinaya in ciidamadiisu sun ku weerareen shacab.
Waxaana uu madaxweynuhu ku eedeeyay mucaaridka hubeysan ee ka soo horjeeda in ay iyagu yihiin kuwa sunta isticmaalay si ay dunida garab uga helaan.
si kastab ha ahaatee wareysiga uu Asad siiyay warbaahintan Mareykanka ayaa la shaaciyay maalin uun ka hor wareysiyo uu madaxweyne Barack Obama siin doono warbaahinta dalkiisa.
SDN-Washington
contact@somalidiapsoranews.com