Qaadka iyo raadka dhaqaale uu ku leeyhay dalalka Somalidu degan ama Somaliweyn oo dhan iyo sida ay uga faaiidaysteen dawladaha Ethiopia iyo Kenya
Waxa imika dhamaaday wiigii faraxada laha ee lagu dhawaaqay in Qaadka gebi ahaanba laga joojinaayo UK oo ku beegnayd maalintii Arbacada ee Bisha 3dii July 2013, iyadoo bahwaynta u olaylaysa joojinta Qaadka oo ay ka mid yihin raga sida Abukar Awale , Mohamed Ibrahim iyo MP Mr. Larcaster ay kolay hadda ku hawlan yihiin sidii dhawaan loo dhigi laha Xafladi ku saabsanayd joojinta Qaadka.
Dhinaca kale waxan halkan maanta doonaya inaan kaga hadlo bal Qaad baa la joojinayaye baad maqasheene waxa nagu kalifay inaanu arrinta ku dhiirano. Horta arrintiisu way balaadhantahay, marka haddaan bal in yar ka hadlo aafada dhaqaale iyo waliba mashqaystanimada ee bulshada kuwa dalka Somaliweynba ku nool ayaan halkan kaga hadalaya, kuwaasoo aan ka soo xigtay qoraalo iyo baadhitaano caalamiya oo laga sameyay :
- Djibouti: Wixii ka bilaabato saacadu ila 1:00 pm duhurnimo markaaso, ay soo caga dhigato gegada diyaarada diyaarada ay leedahay Ethiopian airway. Marka ay timaado diyaaradu markiiba noloshii magaalada aya isbedelaysa wax walibana way istaagayaan.
Dalkaa yare e Djibouti sida ay warbixintu sheegayso ay (World Bank) ka diyaariyaan. Waxa maalintiiba Djibouti lagu cuna ila 12 Tons oo Qaat ah.
Dadka badankoodu waxay ku iibsadan 300-500 Franka Djibouti ah( $170 – $240) Dadka Tijaarta ah iyo madaxda dawladu iyagu ila 8,000 oo franca Djibouti ah ($45) taa macnaheedu waxa weeye reerkastaba lacagta ay helaan wuxu Qaatka kaga baxa lacag noqonaysa ila 30% dhaqaalaha reerka soo gala. Ugu danbaynti sida uu Bangiga aduunka qaybta horumarintu cadaysay waxay guud ahaan dadka reer Djibouti sanadkiiba Qaatka kaga soo iibsadan dalka Ethiopia lacag dhan ila $17 million oo dollar.
- Somalia iyo Somaliland, iyaguna lacag dhan ila $300 million oo ah Doolar maraykanka ay kaga soo iibsadan Qaatka dalalka Ethiopia iyo Kenya. waxa la sheegay inuu Qaatku isna aafa xun ku haya dhaqaala wadanka oo noqonaya in lacagtoodu badankoodu banaanka uga baxdo , taasina ay sababayso sicir barar (inflation) iyo saboolnimo joogta ah. Marka dhaqaalaha wadanka laga hadlaayo si dhaqaalaha wadanku u kobco marwalba waa = ( Export product should be greater than import commodites). Taa waxa weeye in ay waxad iibgaynaysa ay marwalba ka badanyihin waxad soo iibsato. Imikase waa isbedel oo lacagtii wadanka badankodu waxay tegaysa Ehiopia iyo Kenya.
- Waxay arrimahaasi uu keenay sicir bararka ay sababeen in lacagtii marwalba qiimaheedi sii xumaanaya, dadkii ay ka cabanayan musharkii oo ku filaan waayay. Mana garanayan meeshu dhibku ka socdo, oo ah lacagtii u dareeraysa dalaka deriska ee hore dhulkeeni iyo dadkeeniba u dhacay.
Waxa intaa sii dheer somalidii oo markay lacag ay Qaat ku iibsadaan waayeen, dhirtii wadankoo dhan intay jaraan dabadeedna , Qaat ku soo iibsada. Taasina maanta waxay sababtay dhulkii Somaliweyn oo dhan oo lama degaan isu bedelay.
Hadaba kuwaas aan kor ku soo sheegay waa kuwa Qaatka soo iibsada oo lacag badan kaga baxdo isla markaana sicir barar u keena dhaqaalahooda. Balse baadhitaankan danbe waxaynu ku eegi doona sida ay uga faaiideen dawladaha dhaqaalaha ay ka heleen Qaatka.
- Ethiopia : Sida ay warbixinta Bangiga addunku warbixin uu ka diyaariyay 1992, wuxu ku sheegtay Ethiopia wuxu noqday Qaadku mid uu dhoofidiisu aad u sii kordhayso , markaa xitaa dhulkii uu laga beeri jiray Kaafiga ayaa hadda isaga ku faafay , waayo Qaatka ayaa ka lacag batay intay ka helayaan Kaafiga. Waxana imika dhulka Ethiopia laga beera Qaatka dhul baaxadiisu dhantahay ila 93,000 hecter.
Waxay sheegeen in lacagta laga helaa ay ka mid tahay kuwa ugu badan ee laga so daro dhaqaalaha dalka Ethiopia waa lacag aad u fara badan.
- Kenya : Wadankaaso dhaqaale badan oo Milions ka hela tourism ama dalxiiska ayaa hadana lacag fara badan ay ka soo gasha dhoofinta Qaatka oo loo dhoofiyo dalalka Somaliweyn iyo Yurup. Halkaana waxay ke heli jireen dhaqaale aan madaxaaga galayn oo ka soo gala.
Halkaana dhaqaalihii Kenya kor buu u qaadmay waayo maalin walba lacag badan baa iyaga soo galaysa. Waxase cad in maanta Kenya dhaqaalihii ka soo geli jiray Holland iyo UK ay halka ku waysay, tasina waa mid guul ah.
Waxan halkan ku soo gabagabaynaya warbixintii ahayd saamaynta uu ku leeyahay Qaadku dhaqaalaha dhaman dalalka Somaliweyn iyo sida ay dadku isu ilawsiinayan xaqiiqada. Madaxduna waxad mooda inaanay ka hadli karinba waayo Qaatkii ba dadkii ka awood batay. Dagaalkan aanu kula jira Qaatka joojintiisu kuma ekaanaya UK iyo Holland joojintiisa. Qaybta danbe waa sidii loo wajihi laha dhamaan dalalka Somaliweyn, inkasto aanu ku bilaabi doono wacigelin iyo ardayda oon marka hore kala shaqayn arrimahaa iyo wixii kaleba.Khayr ban idin rajaynaya dhamaantiin waxanan hadalkii kaga baxay heesta ah ( waaga beryahay bilicsan arooryo baxsan maalin boqran).
Qalinkii
Adan Jama Kahin
Master of Business & Marketing – UK
Postgraduate of Business Management – Norway
Oo ah
Xildhibaan Deegan
UK