Guurtida oo loo qaybiyay Ajandaha Kalfadhigooda 51aad iyo Qodobada uu ka Kooban yahay
Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida JSLand oo uu shirgudoomiyey Gudoomiyaha Golahaasi Mud, Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga kow iyo Kotonaad si ay mudanayaashu uga soo baaraan degaan ka hor intaan la an-sixin.
Ajandaha kalfadhiga 51 aad ee mudanayaasha Golaha loo qaybiyey si ay u soo naaqishaanm,ugana soo baaraan degaan ayaa waxa uu ka kooban yahay sideed qodob oo kala ah:
1-War-bixinta shir-gudoonka
2-War-bixinta Guddida Joogtada ah
3-Siyaasadda Gudaha:-
b) Xog-Waraysi lala yeesho wasiirka Arimaha Gudaha.
Siyasadda Dibadda:
t)Xog-waraysi lala yeesho wasiirka arimaha dibadda.
4- Nabad-gelyada iyo Horuumarinteeda
5- Arrimaha Bulshada
6- Yeedhmada Masuuliyiinta
7-Diyaarinta xeer-hoosaadka Labada Gole Baarlamaan
8- Wax-yaaba-kale (Any other Business)
Hargaysa SDN.
Qubejoog.com