Sababaha Biyo-kama-dhibcaanka ah ee loo Aanaynayo Bixitaanka shirkadda Genel Energy oo Xukuumadda wax laga saarayo
Hargeysa:8-Sep-2013(SDN)-Ilaa iyo Haatan waxa ka soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee shirkadda sahaminta shidaalka ee Genel Energy uga baxday Deegaamadii ay sahaminta ka wadday ee Somaliland.
Iyadoo tallaabadaas ay ku dhaqaaqday shirkaddu ay tahay mid warwar iyo yaab ku abuurtay guud ahaanba shacabka reer Somaliland, ayaa ay xukuumaddu si toos ah uga gaabsatay sababta ay shirkaddu go’aankaas u gaadhay oo la sheegayo inay xukuumad ahaan door weyn ku leedahay.
Sida ay sheegayaan wararka ilaa xalay ay helayso shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, waxa jira cadaadis caalami ah oo dibadda kaga yimi xukuumadda Somaliland iyo shirkadda sahaminta shidaalka ee Genel Energy, kaas oo sababay inay xukuumaddu amar ku siiso shirkadda inay joojiso guud ahaanba wixii shaqo ahayd ee ay ka wadday Somaliland, islamarkaana bilowdo ka bixitaankeeda dalka.
Warka ayaa intaas ku daraya in shir Albaabadu u xidhan yihiin Habeenimadii jimcaha aqalka madaxtooyada ku dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo madaxda sare ee shirkadda shidaal baadhista ka jooga Somaliland, waxana ay xukuumaddu ku wargelisay shirkadda inay ka baxdo dalka islamarkaana gudo-gasho sidii ay agabkeeda u soo urursan lahayd.
Inkastoo aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, haddana waxa ay sheegayaan wararka na soo gaadhayaa inay jirto dacwad ka timi dawladda ingiriiska gaar ahaan shirkadda shidaalka ee British Patroliem Bp, taas oo Kontomeeyadii shidaal baadhis ka samaysay deegaanno ka tirsan Somaliland, islamarkaana dawladeedda haatan ku dirqiday in lagu ixtiraamo baadhisteedii hore ee dalka ay ka samaysay.
Dawladda ingiriiska oo arrintaas dhego-nugayl ku eegtay ayaa dacwad ay kaga ashkatoonayso shirkadda Genel Energy u soo Gudbisay Somaliland, iyadoo xukuumadduna shir ugu yeedhay shirkadda Genel Energy kuna war gelisay in amar sare lagu siiyey joojin shaqadii shidaal qodista shirkadda Genel Energy.
Shirkadda ayaa iyaduna amarkaas si degdeg ah uga jawaabtay, waxana ay bilowday daad-guraynta Agabkeeda oo ay ka soo qaadanayso deegaamadii ay ka yaalleen.
Warar kale ayaa sheegaya in dawladda Engiriisku ay 28-kii bishii Augost soo saareen Digniin xasilooni darro oo ay ka muujiyeen Guud ahaanba Deegaanada somalidu degto, taas oo la xidhiidhay inay jiri karaan xaalado ammaan-darro, sida af-duub, qarxin iyo waxyaabo kale oo la mid ah, waxana arrintaas ka bixitaan kaga jawaabay shirkaddan shidaal qodista ee Genel Energy oo isku jirta Turki iyo ingiriis.
Dhamaanba deegaamada Somaliland ee ay jirkaddu ka soo baxday, ayaa la sheegayaa inay lacagahoodii mushaharka ee bishan sagaalaad ee bilowga ah siiyeen shaqaalihii aan rasmiga ahayn gaar ahaan kuwii soomaalida ahaa ee u shaqaynayey, taas oo muujinaysa inay shirkaddu go’aankan qaadatay fikir dheer iyo ka baaraandeg badan ka dib.
Sidoo kale waxa caddaynaya inay bixitaanka shirkaddu tahay arrin ay xukuumadda isku ogyihiin hadalkii wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde uu Shalay Golaha Hortiisa kaga sheegay inay shirkaddu dalka ka baxayso balse uu dabool saaray sababta, isagoo golaha ku wargeliyey inay ballansan yihiin madaxda shirkadda.
Shacabka oo aan ilaa iyo Hadda ogayn sababta rasmiga ah ee ay shirkaddu uga baxayso dhulkii ay calaamadsatay, ayaa war rasmi ah ka sugaya xukuumadda inay sharaxaad ka bixiso waxa ku kallifay shirkaddan qandaraaska ku jirtey inay sidaas fudud dalka uga baxdo.
Agabkii shirkadda ayaa lagu soo daad-guraynayaa caasimadda dalka ee Hargeysa, waxana habeenkii xalay soo galay magaalada 48-xaajiyadood oo nooca dheereeya ah oo hawlahan lagu fududayn jirey, inta kale ee hadhsanina maalmaha soo socdda ayey ka soo wada bixi doonaan meelaha kale ee ay joogaan, iyadoo haatan la gudo galay kala xisaabinta iyo kala saarista dadka u kala hooseeyey qandaraasyada yar yare e shirkadda dhidaalka sahaminaysaa bixisay.
Somalidiasporanews.com