|

Burco Oo Habeenkii Xabaalaha La Baloodhaynayo iyo Culimada oo Qaylo-dhaan ka soo saartay

Burco:8-Sep-2013(SDN)- waxa Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco in muddo ahba ka taagnayd arrin naxdin leh oo ah inay dadka qaar Habeenkii meelaha Xabaalaha ah caalamadaysanay si ay jagooyin uga dhigaan.

Dadkan dhaqanka ugubka ka ah ka wada magaalada, ayaa la sheegayaa inay  xilliyada habeenkii Gurayaan dhagaxaanta astaanta u ah xabaalaha ee dusha ka saaran, waxana haatan dhacday in meelo badan oo xabaalo caan aha ahaan jirey ay isku beddelaan deegaanno meherado ka furan yihiin iyo meelo kale oo bannaan oo dadka aan waxba ogayn loogu sheegayo jagooyin si ay u iibsadaaan.
Arintan oo ah dhaqan xun oo magaaladda Burco ku soo badanaya ayaa  Habeenimadii sabtida, waxa Magaalada Burco lagu qabtay kulan lagaga arrinsanayo sidii wax looga qaban lahaa arrintan halista ku ah nolosha bani’aadamka iyo midda islaamnimadaba iyo sidii loo daba-qabatayn lahaa xabaalaha inta hadhsan ee aan wali la baloodhaynin.
shirkan oo uu soo qabanqaabiyay maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa waxa uu kulankaas isugu yeedhay Culimada iyo dhamaanba Iimaamyada masaajidada magaalada Burco, waxaana shirkaas lagaga dhawaaqay sidii qaadhaan loogu Ururin lahaa isla markaana Gudi loogu samayn lahaa xabaalaha inta hadhay sidii loo badbaadin lahaa ama Dayrar loogu wareejin lahaa.
Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi oo shirkaas ugu horayn ka hadlay  ayaa yidhi”waxaa naloo xaqiijiyay in  niman la garanayo intay habeenkii xabaalaha Faralay ula tagaan Baloodho ka soo saara oo la dego, waxaynu isugu nimi  arintaas inaan iska kaashano Culimo iyo dawlad ahaan” waxaanu intaas raaciyay Maayarku inay arintan ka dawlad hoose ahaan arkeen iyadoo suuliyo laga dhigtay oo saxaradii lagu raray.
Sheekh Yuusuf Cabdi Cawed, sheekh Cabdi wahaab, sheekh Aadan oo dhammaantoodba ka mid ah Culimada Togdheer oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay arintani leedahay waxaanay dadyawga Muslimiinta ah ka codsadeen in arintan laga qayb qaato sidii loo joojin lahaa,.
sidoo kale salaadii jimce ayaa masaajidada magaalada Burco arintaas lagaga hadlay waxaanay Culimadu codsadeen in arintan layska kaashado, maadaama ay tahay dhaqan diinta iyo  noloshaba ku xun oo ciqaab daran lagu mudan karo.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed