|

Xukuumada Syria oo wada Duqeynta Goobaha Mucaaridku ku sugan yihiin

Dimishiq Sept 08,2013(SDN)-Xukuumada dalka Syria ee Mareykanku damacsan yahay in uu weeraro ayaa sii wada weerarada ay ku qaadeyso goobaha ay kooxaha mucaaridku ku sugan yihiin.

Duqeymo ay ciidamada Bashar Al Asad ku qaadeen xalay degaanada duleedka caasimada ayaa waxa ku dhintay ilaa 15 ruux.

Sidoo kale ciidamada Syria ayaa mucaaridka kula dagaalalamay magaalada Maaloula oo ah degaan mesiixiyiintu ku badan yihiin.

Ma cada dadka ku dhintay dagaalkan ka dhacay Maaloula,waxaase la sheegay in mucaaridka dib looga saaray magaalada.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Mareykanka ayaa wada dedaal ay taageero guddo iyo dibeddba uga raadineyso in lagu taageero in la ciqaabo xukuumada Syria,ka dib kolkii ay shacabkeeda u isticmashay sunta Serin.

SDN-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed