Kooxda Taliban oo Haweeney Xildhibaanada ku bedelatey Maxaabiis laga qabtay
Kabul Sept 08,2013(SDN)-Kooxda Talban ee ka dagaalanta dalka Afganistan ayaa shaaciyay in ay sii daayeen haweeney ka mid ah baarlamaanka dalkaasi ka dib kolkii ay dawladuna sii deysay qaar ka mida dagaal yahanadooda.
Fariba Ahmadi Kakar ayaa ka md ah 69ka dumar ee ka mid ah baarlamaanka dalkaasi oo tiradiisu tahay249 xubnood.
Karkar ayaa Talibaanku gacanta ku dhigeen bil ka hor mar ay booqaneysay degaanka Kandahar oo laga soo doorto.
Dawlada Afgaanistaan ayaa dafirtay in ay sii deynta xildhibaanada ku bedelatay in ay sii deysay ila todobo dagaal yahan oo ka mida Talibaanka.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Talibaan ayaa inta badan dadka ay afduubtaan ku bedesha dagaal yahanadooda ku jira xabsiyada.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com