|

Ciidamada Dalka Masar oo Hawlgalo aaney u kala harin ka fuliyay Sinai

Sinai Sept08,2013(SDN)-Ciidamada dalka Masar ayaa hawlgalo aaney u kala harin ku qaaday degaanka Sinai oo mudo dheeri carqalado ka jireen.

Hawlgaladan ayaa waxa ay ciidamadu u isticmaaleen duyuuadaha qumaatiga u kaca iyo dabaabadaha.

Inkasta oo aaney warar sugani weli ka so bixin khasaaraha ka dhashay hawlgaladani hadana waxa soo shaac baxday ilaa iyo dhawr iyo toban ruux ay ku dhinteen weerarkani.

Ciidamada ayaa sheegay in ay dulaanka ku qaadeen kooo nabad diid ah oo gabaad ka dhiganayay degaanka Sanai.

Halka qaar ka mida dadka degaanku ay sheegeen in ciidamadu ay bar tilmaansadeen aqalada iyo masaajida mucaaridka dawlada KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in ay Masar haatan si dhab ah u gashay xaalad colaadeed oo keeni karta cawaaqib xum ku timaada shacabka dalkaasi.

SDN-Sanai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed