|

AMISOM oo cambaareysay Qaraxa lagu bartilmaameedsaday Maqaayadda Village

Muqdisho 07.Sep 2013 (SDN)- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta lala eegtay maqaayadda Village ee magaalada Muqdisho.

Annadif-300x225War qoraal ah ayay AMISOM ku sheegtay in weerarku uu ahaa isku day kooxda al-Shabaab ay ku dooneysay inay ku carqaladeyso dib u dhiska socda ee Soomaaliya.

Weerarka oo lala eegtay dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayadda caanka ah ee Village ayaa galaaftay nolosha 15 qof.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu sii wadi doono inuu ummadda Soomaaliyeed ka taageero dib u dhiska dalkooda.

Muqdisho SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed