Kulan dib loogu eegayo Macluumaadkii Ololaha Talaalka oo Hargaysa ka furmay
Hargaysa 07.Sep 2013 (SDN)- Shir hawleed socon doona muddo sadex maalmood ah oo ku saabsan dib u eegista lagu samaynayo macluumaadkii laga soo ururiyey mudadii uu socdy ololihii talaalka ee lagu qaday Kaysaskii cudurka dabaysha ee lagu arkay gobolka Sool aya maanta ka furmay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Kulankaasi oo ay furtay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Dalkan JSL marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya isuduwayaasha wasaaradda caafimadka ee Gobolada Somliland, madaxda hay’adda WHO ee magaalooyinka hargeisa iyo Nairobi oo ay wehelinayeen madx UNICEF ee Somliland.
Marwo Nimco Xuseen oo furitankii kulankasi hadal ka jeedisay ayaa sharxaad ka bixisay ujeeda kulnka oo ay ku sheegtay in dib loogu eegyo xogihii laga soo helay xiliyadii uu socday talalkii ololaha ahaa ee dabaysha ee dhowaan la fuliyey, isla markaana darsad kasta oo la sameeyo iyo hawlkgal kasta oo la fuliyo laga soo sari karo qorshe lagu dhamaystiri karo inta hadhay
Marwo Aasiya Cismaan Axmed madaxa WHO ee Somaliland oo iyana kulankaas hadal kooban ka jeedisay waxa ay tilmaantay in lixdii olole ee sanadkan gudihiisa lagu qaaday cudurka Polio looga dan lahaa in lagu hakiyo khatar kasta oo caafimd oo ka imana karta cudurkas, halka sidoo kalen ay marwo Aasiya cismaan kula dardaarantay in is wareysiga bahda caafimaadka iyo hay’adaha ku hawlani uu gundhig iyo aasaas u yahay sida loo waajahayo waxii hawlo ah eek a dhiman ujeedada laga leeyahay ololayaasha noocan ah ee talaalka lagu bixiyo.
Md Cabdiraxmaan Xirsi oo ah agasimaha waaxada caafimaadka taranka hooyada iyo dhallaanka ayaa isna shirks ka hadlay isagoo faahfaahiyey muhiimadda uu xambarsan yahay kulanka noocan oo kale ah oo ah mid ay guud ahaan Somaliland kaga arinsanayso qorshe caafimad.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com