|

Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland oo soo bandhigtay Qorshe ay ku xakameyneyso socdaalada Masuuliyiinta Qaranka

Hargeysa Sept 07,2013(SDN)-Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa daraasad ka dib soo bandhigtay dib u habeyn lagu sameyn doono nidaamka socdaalka Masuuliyiinta Qaranka.

Wasaarada ayaa madaxweynaha dalka u gudbisay in la diiwaan geliyo socdaalada masuuliyiinta qaranku uGu baxayaan dalka dibediisa iyo guddahiisaba,sida ay ilo wareedyo soo tebiyeen.

Qorshahan ayay dadka qaar u arkeen mid lagu xakameynayo laguna soconayo dhaqdhaqaaqa masuuliyiintaa mucaaridka oo xukuumada guddaha iyo dibeddaba culeys ka saaray mudooyinkii u danbeeyay.

Qorshaha wasaarada arrimaha dibedda ayaa lagu sababeeyay in hanaan diblomaasiyadeed oo sare loo helo in ay tahay in xukuumadu qorsheyso socdaalada Masuuliyiina qaranka.

Ma cada waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ka yeeli doono soo jeedintan uga timi wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha dibedda ee Soomaaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed