|

Magaalooyinka Istanbul,Tokiyo iyo Medrid oo ku tartamaya martigelinta Olympic-ga 2020

Buenos Aires Sept 07,2013(SDN)-Kulan uga socda guddida Olympic-ga magaalada Buenos Aires ayaa lagu soo xuli doonaa mid ka mid ah sadex magaalo oo marti gelin doona ciyaaraha sanada 2020ka.

Magaalada Istabul oo lagu waday in ay si dhib yar ku hanato martigelinta ayaa waxa haatan soo wejahan suaalo la dul dhigay balaayiin dollar oo ay u baahan tahay si loo casriyeeyo garoomada magaaladaaasi.

Tokiyo oo qudheeda la is lahaa fursad ayay heysataa ay ku marti geliso ciyaaraha Olympiga ayaa qudheeda waxa suaalo uga yimaadeen wershed Neuclear ah oo dalkaasi la tacaalayo mudo anado ah.

Halka Madrid ay soo wejahday qudheeda arimo dhaqaale oo caqabad ku noqday dayac tirka qaar ka mida garoonada magaaladaas ku yaal.

Sadexdan magaalo ayaan ilaa haatan la garaneyn ta hanan doonta martigelinta,waxaana lagu wadaa in gudidu ku dhawaaqdo goaankooda saacadaha soo socda.

SDN-Beunos Airs

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed