|

Dawladda Somaliland Oo Hilifaha u laabtay Giimbaartii Gobolka Sanaag Dhaqaalihiisa ragaadisay

Ceerigaabo:7-Sep-2013 (SDN) Ka dib laba maalmood oo shaqo adag ah oo ay xukuumaddu ka wadday Gobolka Sanaag ayey ku guulaysatay inay ka sifayso lacagtii giimbaarta ahayd, waxana si buuxda loogu guulaystay in lacagta shilling-ka somaliland shacabku isticmaalaan.

 

Giimbaartii Tallaabadaas xukuumaddu waddo, ayaa la sheegayaa lagu guulaystay boqolkiiba sagaashan (90%) sida uu noo xaqiijiyay Kor-joogaha baananka gobollada bari ee Somaliland Cumar Cabdi Axmed oo xalay telefoonka ugu waramay shabadda wararka ee Qurbejoog.com, isaga oo joogay magaaladda Ceerigaabo.

Wakhtigii 48-saacadood ahaa ee loo qabtay lacagta giimbaarta ah ayaa ku ekayd Habeenkii xalay, waxana la sheegayaa inay tallaabadaasi guul kaabiga ku hayso.

Cumar Cabdi Axmed, Kor-joogaha baananka gobollada barri ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in aanay dadka shicibka ah ee lacagtaasi hore u haystay marka laga bedelo aanu wax khasaare ahi ka soo gaadhi doonin, isla markaana ay lacagta Somaliland uga qiimo badan tahay lacagtii giinbaarta ahayd ee shillin Soomaaliga ahayd.

 

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wuu dhammaaday wakhtigii loogu tallo galay bedelaada lacagta Giinbaarta ah ee shilin Soomaaliga oo ahaa 48 saacadood, Lacagta bedelaadeeda wakhti ayaa loogu tallo-galay, wakhtigiina way ku dhammaatay ama wayba ku yaraataay, markaa waxaa la odhan karaa 90% bedelkii wuu suurto galay, in dadka qaar ay suurto-geli waydo waa wax dhici kara, waana wax dhici kara in wax isbedelaan oo sariflayaasha wixii aanu u saarnay ee khidmad ahaa ay wax dul saaraan, waana wax dhici kara in ay macaash saaraan sariflayaashu, tusaale ahaan kunka shalin ee Giinbaarta ah waxaa lagu bedelayay saddex kun oo shilin Somaliladn ah, sidii amarka aanu ku bixinay, laakiin marnaba khasaare ma jiro, lacagta Somaliland way ka duwan tahay, kana qiimo badan tahay tii ay hore u isticmaalayeen ee Soomalaiya”.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed