|

Mareykanka oo sheegay in Dawlada Iraan ay qorsheyneyso in ay weeraraan Safaaradooda Ciraaq ku taal

Washington Sept 07,2013(SDN)-Dawlada Mareyknaka ayaa sheegtay in ay heshay xog tibaaxeysa in Iraan ay qorsheyneysay in ay weerar ku qaado Safaarada Mareyknaku ku leeyahay Baqdaad hadii Mareykanku duqeeyo Syria.

Wararkan oo aan la shaacin cida soo bandhigtay ayaa ahaa hadal heynta u badan ee warbaahinta Mareykanka.

Mareykanka ayaa haatan dedaal ugu jira sidii xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalkaasi u ansixin lahaayeen duqeyn ka dhan ah Syria.

Dawlada dalka Iraan oo heshiid difaac la leh dalka Syria ayaan ilaa iyo haatan ka hadal eedan loo jeediyay.

Sidoo kale Tehran kama aaney hadal ilaa iyo haatan durbaanka colaadeed ee Mareykanku haatan u garaacayo duqeyn loo geysto Syria.

SDN-Washington

contact”somalidiasporanews.com

Comments are closed