Ruuxii u danbeeyay ee Nolol ku arka Adolf Hitler oo geeriyooday
Berlin Sept 07,2013(SDN)-Nin ka mid ahaa ilaaladii madaxweynihii dalka Jarmalka ee Adlof Hitler isla markaanaahaa qofkii u danbeeyay ee arka ayaa la sheegay in uu geeriyooday.
Rochus Misch ayaa ahaa 96 jir u soo joogay saacadihii u danbeeyay ee nolosha Hitler iyo xaaskiisii Eva Braun.
Rochus Misch ayaa sheegay mar uu ka waramay sacaadihii u danbeeyay ee Hitler in uu is-toogtay,ka dibna ay gubeen meydkiisa.
Intii ka danbeysay dagaalkii labaad ee duninada kolkii Jarmalku is dhiibay waxa aan kala joogsan hadal heynta in Hitler nolol uga baxay Berlin.
Ninkan ilaalada Hitler ka mid ahaa ayaa dafiray in Hitler uu dejiyay Qorshaha loo yaqaano”Final Solution” oo sababtay dilka 6 million oo yuhuuda oo Yurub ku noolaa.
Rochus Misch ayaa sheegay in Hitler oo ka hadlaya xasuuqa Yuhuuda iyo Final Solution aanu weligii maqal.
Si kastaba ha ahaatee ninkan ka mid ka ahaa ilaalada Hitler ayaa qoray buug soo bixi doona bisha soo socota.
Buuga ayaa loogu magac daray “the last witness” ama markhaatigii u danbeeyay.
SDN-Berlin
contact@somalidiasporanews.com