|

Wefti uu Hogaaminayay Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka Somalia oo Muqdisho ku soo laabtay

Muqdisho 06.Sep (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo dalka uga maqnaa safarro shaqo ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay ayadoo wafdigaasina si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Baarlamanka soWafdigan ballaaran oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka iyo wafdigiisa oo ay ka mid aheyd Gudoomiyaha gudiga xuquuqul insaanka,arrimaha bani aadannimada,hawenka iyo carruurta Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ay gacan qaadeen dhammaanba xubnihii soo dhaweeyey.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay soo dhaweynta Wafdiga ayaa tilmaamay in Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo wafdigiisa Xildhibaannada ah ay socdaal shaqo uga yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya islamarkaana ay wafdi kale oo uu isaga hogaaminayo u ambaxayaan isla dalkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna saxaafadda la hadlay markii lasoo dhaweeyey kadib ayaa tilmaamay in safarradii shaqo ee ay dalka dibadda uga maqnaayeen isaga iyo Xildhibaannada ay guul kusoo dhamaadeen islamarkaana ay intabadan Xildhibaannadu dalka kusoo wada laabanayaan maadaama uu 10ka bishan September si rasi ah u furmi doono Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyagu aanay qaadan fasaxii labada bilood ee ay xaqa u lahaayeen islamarkaana yeeshay kalfadhi aanay caadi aheyn ayaa hada qaatay mudo hal bil oo fasax ah ayadoo bishaasina ay safarro ugu kala maqnaayeen dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayadoo dhammaan safaradaasina ay yihiin kuwo shaqo oo qeyb ka ah hormarinta qorshe howleedka howlaha Golaha Shacabka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed