|

Degmo ka Mid ah Magaalada Muqdisho oo laga Mamnuucay Isticimaalka Hubka

Muqdisho 06.Sep 2013 (SDN)- Maamulka iyo saraakiisha amniga ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa mamnuucay in ciidamada dowladda ay hub ku dhex sitaan waddooyinka degmada.

HUBTaliyaha Saldhiga Bari gaashaanle Aaden Axmed Cumar ayaa sheegay in ciidamada laga mamnuucay inay hub ku qaataan goobaha dadku isugu yimaadaan sida xeebta Liido iyo waddooyinka degmada, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay dedaallada lagu xoojinayo amniga degmada.

Wuxuu ciidamada aan ahayn kuwa degmada uu ku wargeliyay inaanay hub la soo gelin degmada ama ay soo wargaliyaan ciidamada amniga ee Cabdicasiis.

Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis  Cabdulahi Xuseen Fanax ayaa isna saxaafadda u sheegay inay sugaan amniga dadka u soo dalxiis tagga maalinta Jimcaha xeebta quruxda badan ee Liido, isagoo intaas ku daray in maalmaha Jimcaha iyo Khamiista ay xeebta ka howlgalaan doonyo loogu tala-galay badbaadada shacabka.

Guddoomiyaha wuxuu waxqabka ay muujiyeen ku ammaanay ciidamada boliiska ee saldhigga Bari iyo kuwa xaaladaha deg-degga, nabad sugidda, iskaashaatada kalluumeysiga iyo hay’adda Main Action  oo qayb ka qaadata baarista miinooyin ka iyo waxyaabaha qarxa.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed