Dawlada Punt land oo Wershad Gaas ka furaysa Magaalada Boosaaso
Garoowe 06.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta dowlada Puntland ayaa wada qorshe balaaran oo lagu hirgalinayo warshad soo saarta gaaska la shito si looga kaaftoomo jarista iyo xaalufka lagu hayo dhirta qoyan.
Wasiir ku xigeenka deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi ayaa sheegay warshadaasi oo laga hirgalinayo magalada Bossaso inay qayb ka tahay dadaalada ay dowladu ugu jirto xakamaynta xaalufka baahsan ee dhirta lagu hayo,wuxuna sheegay inay hada bilaabeen la-dagalan xoogan oo loogu jiro sidii tilaabo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa dadka ku mashquulsan jarista dhirta.
Mr.Burhaan ayaa sheegay qorshayaal tiro badan inay u dajiyaan deegaanka iyo dhirta,wuxuna sheegay inay beeri doonan dhir kala duwan oo lagu doonayo in dhirta iyo khayraadka dabiicaga lagu ilaaliyo,kooxaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka ayuu ku booriyay inay sii xoojiyaan wacyi galinta dadka ee ku aadan in dhirta jaristeeda la joojiyo.
Mashruuc balaaran oo ay EU dhaqaalo 25-malyan gaaraya ku bixisay deegaanka Puntland ayuu sheegay wasiir ku xigeenka Puntland inay dhowaan bilaabi doonan,kaasoo wax wayn ka qaban doono deegaanka iyo faya-dhowrka.
Wasaaradda deegaanka oo la kowsatay xukumada hada talada haysa ayuu sheegay wasiir Burhaan inay wax badan ka qabatay deegaanka,isla markasna hirgalisay mashruucyo anfac badan ugu jirta dhirta,sida samaynat goobaha dhirta lagu hayo oo magaalooyinka qaarkood ka furan,wacyi galinta dadka loo sameeyay.
Ilaa iyo hada wasaaradda deegaanka kuma aysan guulaysan inay tilaabo sharci ah ka qaado dadka gumaadka xoogan ku hayo dhirta,taasoo dadka qaarkiis ay sheegaan hadii ay sidaasi kusii socoto nabaad guur xoogan imaan doono.
Garoowe SDN.
Qurbejoog.com