|

Al Shabaab oo laga Xanibay Bogii ay ku lahaayeen barta Xidhiidhka dadweynaha ee Twitter

Nairobi 06.Sep 2013 (SDN)- Cinwaankii af-Ingiriiska ee bogga xiriirka bulshada ee Twitter ay ku lahayd Al-Shabaab ayaa maanta oo Jimco ah la xiray markii labaad sanad gudihiis.

Marka la booqdo cinwaankii Al-Shabaab oo ahaa ‘@HSMPress1’ wuxuu Twitter kuu sheegayaa in la xannibay, iyadoo aanay kuu muuqanayn faahfaahin intaas ka badan.

al-Shabaab-demo-300x225Bayaan la sheegay in ay Al-Shabaab u dirtay wakaaladda wararka ee AFP ayay ku cambaareysay xayiraadda, waxayna ku tilmaantay tallaabo macno-darro ah.

Talaadadii waxay kooxdu ku soo qortay Twitter sheegasho ahayd inay weerartay kolonyo la socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal dhulka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose. Xafiiska madaxweynaha ayaa kaddib beeniyay.

Cinwaan lagu qoro af-Carabi oo ay Al-Shabaab ku leedahay Twitter ayaa weli shaqeynaya.

Siyaasadda Twitter ayaa dhigeysa in la xannibi karo isticmaalayaasha haddii ay sameeyaan handaado abuuri kara dhibaato. Wuxuu sidoo kale boggu xiraa cinwaannada loo adeegsado waxyaabo sharci-darro ah.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Kooxda waxaa horay bishii January ee sanadkan looga xiray cinwaan ay ku lahayd Twitter oo af-English lagu qori jiray, kaddib markii ay ku faafisay hanjabaad ahayd inay dili doonto la-haystayaal u kala dhashay dalalka Kenya iyo France oo u afduubnaa.

Comments are closed