|

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka Wada Xaajooday Sugida amniga badda ee Somalia

Muqdisho 05.Sep 2013 (SDN)- Kulan looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa amniga badda Soomaaliya oo dhex maray wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub  ayaa shalay ka dhacay dusha markab fariisin u ah ciidanka badda ee Midowga Yurub oo laga leeyahay dalka Netherland oo ku sugan meel ka baxsan xeebta magaalada Muqdisho.

Kulanka-ammaanka-badda-300x200Kulanka waxaa la iskula soo qaaday noocyada kala duwan ee farsamo iyo agab ee ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub ee la dagaallamaya burcad badeedda iyo sida ay gacan uga gaysan karaan horumarinta qorshe buuxda oo dhinaca amniga badda ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kulanka, isagoo sheegay inay muhiim tahay in la hagaajiyo amniga badda, taas oo saameyn muhiim ah ku yeelanaysa horumarinta deegaannada xeebaha leh ee dalka.

“Waxaa iga go’an inaan soo bandhigo qorshe dhameystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka Brussels” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale kulanka ujeeddadiisa lagu macneeyay sidii uu labada dhinac u dhex mari lahaa xiriir iskaashi, iyadoo la isla soo qaaday sida uu fadhigu gacan buuxda u siin karo shirka caalamiga ah ee looga hortagayo burcad badeedda ee lagu wado in magaalada Abu Dhabi lagu qabto 11-ka ilaa 12-ka bishan September iyo shirka ‘heshiiska cusub ee Soomaaliya’ ee 16-ka September lagu qaban doono magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa dhankiisa sheegay inay tallaabadani caddeyn u tahay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inuu is garab taago Soomaaliya, uuna uga qeyb qaato sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd degenaasho iyo nabadgelyo.

Kulanka ayaa la sheegay in lagu meel marinayay heshiis dhex mara Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo qeexaya siyaasadda hoggaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xiriira amniga iyo habka dhaqan dhaqaale ee sanadaha soo socda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed