Magaalada Ceerigaabo oo laga bilaabay Bedelaada lacagta Giinbaarta ah iyo dareemada bulshada
Ceerigaabo 05.Sep 2013 (SDN)- Magaaladda madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa maanta si rasmi ah uga dhaqan galay Bedelaada Lacagtii Giimbaarta ahayd ee hore uga shaqayn jirtay Gobolkaas.
Waxa dadweynaha loogu bedalayaa lacagta shilinka Somaliland , sariflayaasha magaaladda, ganacsatadda iyo guud ahaan dadweynaha Gobolka Sanaag ayaa tallaabadan si weyn u soo dhaweeyay.
Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa uu shaaca kaga qaaday in maanta ay si rasmi ah uga dhaqan gashay magaaladda Ceerigaabo bedalaada lacagtii Giimbaarta ahayd iyadoo dadweynaha lacagtaas loogu bedalayo lacagta shilinka Somaliland.
Guudoomiyaha Baanka Dhexe waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta lacagta keliya ee ka shaqaynaysa gobolka bulshaduna ay wax is-dhaafsan karaan ay tahay lacagta shilinka Somaliland.
Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in bedelaada lacagta Gimbaarta ah ee magaaladda Ceerigaabo lagu dhamays-tiri doono muddo sideed iyo afartan saacadood ah.
Waxa kale oo Gudoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi uu sheegay,in bedelaada lacagtu ay maanta ka bilaabantay sideed goobood oo ka mid ah Gudaha magaalada Ceerigaabo, dadweynuhuna ay ka bedelanayeen goobahaasi. Waxaanuu Carrabka ku adkeeyey in mudadaa sideed iyo afartanka saacadood ah ee ka bilaabantay maanta wixii ka danbeeya aan lacagta Giiinbaarta ah waxna lagu iibin Karin waxna lagu iibsan Karin.
Waxaanuu xusay in degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ay hore u joojiyeen isticmaalka lacagta Giimbaarta ah.
Waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka hadlay Kor-joogaha Baanka Somaliland ee Goboladda Barri Cumar Axmed, oo sheegay,in muddo labaatan maalmood ah ay Gobolka Sanaag u joogeen saraakiil ka tirsan Baanka Somaliland qorshaha lacagta Gimbaarta ah lagaga bedelayo Gobolka Sanaag.
Dhinaca kalena waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay Maayarka magaaladda Ceerigaabo Md, Ismaaciil X.Nuur,waxaanuu sheegay in ay degmo ahaan soo dhoweynayaan bedelaada Lacagta Giimbaarta ah oo ay muddo dheer sugayeen.taas oo uu sheegay inay dhibaato ku haysay Ganacsiga degaankaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Muxumed Geelle(Dacar), ayaa isna halkaas ka sheegay in ciidammadda ammaanku amar buuxa ku qabaan in cidii lagu arka iyaga oo wax ku iibinaya lacagta Giimbaarta in tallaabo sharciya ka qaadaan.
Bedelaada Lacagta Giimbaarta ah ee maanta ka dhaqan gashay Gobolka Sanaag ayaa waxa si weyn u soo dhoweeyey Sarif layaasha,Ganacsatada iyo Guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sanaag.
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com