Haweeney Baank ku yaal Afganistaan si farsameysan uga dhacay Million Dollars
Kabul Sept 05,2013(SDN)-Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha Baank ku yaal dalka Afgaanistaan ayay boolisku sheegeen in ay dhacday 1.1 million dollars.
Haweeneyda oo ay falkan gacan ka siiyeen shaqaale baanka u shaqeynayay oo tiradoodada lagu qiyasay ilaa toban ruux ayaa lacagaha ku shubtay xisaabaad baanka uga furaa qaar ka mida aheladeeda.
Haweeneydan oo booliska ugu yeerayaan Shogoofeh ayaa kolkii danbanbe qaadatay waraaqo aqoonsi ka dibna ka talowday xadka dalka India.
Haweeneydan ayaa lacagta eheladeeda u shubtay mudo iminka laga joogo laba bilood,waxaana aan la garaneyn halka ay jaan iyo cidhib dhigtay iminka.
Laba ruux oo ka mid ah dadkii gacanta siiyay Haweeneydan dhacday Baanka Azizi ee Afgaanistaan ayaa lagu qabtay magaalada Dubai dhawaan.
Dalka Afgaanistaan ayaa waxa maalmahan danbe noqotay caado in shaqaaluhu dhacaan bananka.
Baankan lacagta faraha badan laha dhacay ayaan ilaa iyo haatan aan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com