Isbeddelkii uu Wasiir Xirsi Ku Keenay Shalay Jawigii Guud ee Golaha iyo Dhaqdhaqaaqyadii Kala Duwanaa ee Goobta
Hargeysa:5-Sep-2013(SDN)-Jawiga Guud ee Golaha wakiillada Somaliland, ayaa maalintii shalay ahaa mid ka duwan guud ahaan maalmihii caadiga ahaa hore, iyadoo ay madashu ahayd mid ku waabariisatay qaab cusub.
Wasiir xirsi oo ku badan carrabka shacabka reer Somaliland, ayaa sidoo kale isbeddel muuqda ku sameeyey Golihii uu martida u ahaa, waxana madasha shalay ka soo xaadiray ilaa afartameeyo xildhibaan, kuwaas oo u jeellanaa inay mar uu xirsi hortooda isagoo fadhiya naaqishaan hadalkiisa, islamarkaana ay weydiiyaan su’aalo ay muddo sanado ah maskaxooda ku hayeen.
Markii uu wasiirku soo galayba waxa ay madashu noqotay mid deggen oo aan wax sanqadh ah lahay, waxana uu xildhibaan waliba ku dheygagsanaa tiraabta ka soo baxaysa Afka wasiir uu in badan sugayey.
Guud ahaan waxa la adkeeyey ammaanka madasha iyadoo goobta la keenay ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada iyo waliba qaar kale oo sirdoon ah kuwaa ku gaaf-wareegayey dhismaha ay wakiillada iyo wasiirku isku hor fadhiyeen, iyadoo shakhsi kasta oo hore golaha u iman jireyna uu dareemayey in wax cusubi soo kordheen.
Dhamaanba xildhibaanada ayaa iyagu si aanay u ixtiraamin wasiirrada iyo madaxda qaranka ee kale u ixtiraamayey wasiir xirsi, waxana ay hadakiisa ku dhegaysanayeen jabaq la’aan si ay dhego furan ugu shubtaan hadalkas wasiirka ugu saamaynta badan Golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Isbeddelada ugu waaweyn ee Halkaas laga dhex arki karayey waxa ka mid ahaa mid ka dhex jirey shir-Guddoonka, waxana dhaq-dhaqaaq badani ka jirey dhicooda, iyadoo Guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye Baashe ay goobta ka wadeen xan-shaashaq hoose oo aanu xataa ogayn Guddoomiye Cali yuusuf oo ku xigay.
Xilliyadii uu wasiirka Hadalkiisu socday, ayaa iyadoo ay dhamaanba xildhibaanadu aamusan yihiin labadan Guddoomiye marwalba iyagu isku maqnaayeen, waxana hadalka intiisa badan waday Gudoomiye Baashe, halka uu Guddoomiye Cirro inta badan dhegayste ahaa.
Xildhibaanada muxaafadka ah oo iyagu ku faraxsanaa aragtida wasiir xirsi, ayaa isku dayey inay wasiirka u sacabiyaan intii uu khudbadaynayey, nasiib darrose umaba uu joojinayn oo sacabkoodu waxa uu u badnaa hal bacaad lagu lisay, wasiirkuna waxa uu u muuqday mid u soo diyaar garoobay inuu iska caabiyo rag uu in badan warbaahinta ka arki jirey oo aanu wali hortaada imanin.
Guntii iyo Gebagebadii waxa goobta lagu kala kacay iyadoon dhinacyadii halkaas isku yimi wax guulo ah oo waaweyn aanay la kala hoyanin, waxase inuu libintii la carraabay isku qanciyey wasiir xirsi, maadaama aanay dhegihiisa ku soo dhicin weedho kul kulul oo uu ka filayey xildhibaanada mucaaridka ah oo uu dareemayey inay dabinno u maleegayaan, waxase libinta ugu dambaysa qaadashadeeda loo ballamay maalinta salaasada ah Haddii Eebbe Yidhaahdo.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland
Contact@somalidiasporanews.com