Maxaa ka Jira in Wadahadalo u qorsheysnaa Somaliland iyo Puntland ay burbureen,maxaa keenay burburka?
Nairobi Sept 05,2013(SDN)-Waxa magaalada Nairobi ee dalka Kiinya lagu waday todobaadkan in ay ka furmaan wadahadalo u dhexeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ayaa u muuqda in ay haatan burbureen.
Wadahadalada ayaa sida wararku sheegayaan waxa ay qeyb ka yihiin Kuwii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland ee ka socday dalka Turkiga ilaa sanadii ina dhaftay.
Waxa magaalada Nairobi arinkan haatan u jooga tiro wasiiro ah oo ka socda maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirada Amniga iyo arimaha Guddaha.
Waxaanse madashii ka soo xaaridin wasiiro lagu waday in au ay wadahalada ku meelaan dhinaca Somaliland,waxaase la sheegay in kulamo hour dhac ah oo ka dhacay duleedka Niarobi ay ka qeybgaleen siyaasiyiin ka socday Somaliland.
Wefdigii ka socday maamul goboleedka Puntland ee wasiirada ahaa ayaa tilaabadan aad u saluugay oo dalbaday in Somaliland ay soo dirsato wefdi dhigooda ah.
Dhinaca Somaliland ayaa la sheegay in isbedel ku yimi ka dib kolkii uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu safar ku tagay degaanka Taleex oo labada dhan isku hayaan.
Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo saxaafada kula hadlay mahgaalada Niarobi ayaa dafiray in ay jiraan wadahadalo u qorsheysnaa labada dhan,balse intaa raaciyay in ay xiiseynayaan wadahadalo ay la yeeshaan Somaliland.
Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sheegay in ay jiraan qodobo muhiimad weyn u leh labada dhan oo mudan in laga wdahadalo ay jiraan.
Si kastaba ha ahaatee in xukuumada Somaliland ay qorsheysay wadahadal ay la geleysoo Puntland hadii ay soo baxdo waxa ay sawir ka bixin doontaa sida xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu dhex milantay maamulada Soomaaliya.
SDN-Nairobi