Axmed Madoobe: Waa la dhammeeyay khilaafka dowladda iyo Jubba
Kismaayo 05.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka Jubba ay toddobaad ka hor ku gaareen magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Axmed Madoobe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba.
Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba ayaa intaas raaciyay in dhowaan ay booqasho ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kula kumi doonaan madaxda dowladda federaalka.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in sidoo kale ay rajeynayaan in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku imaan doono magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay heshiiskii ay wada gaareen dowladda iyo maamulkiisa, wuxuuna mahad-celin u jeediyay madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu dadaal u galay dhammeynta khilaafka u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka KMG ee Jubba.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com