Wasiirka Madaxtooyada oo Su’aalo Xiiso leh oo daran doori ah ay weydiiyeen Xildhibaanada G.Wakiilada {DHAGAYSO}
Hargaysa 04.Sep 2013 (SDN)-Mudanayaasha aqalka Wakiilada ayaa maanta Su’aalo daran doori ah la Miciinsaday Wasiirka Madaxtooyada kadib Markii uu Warbixin Koobsanaysa Waxqabadyada dawlada uu ka Jeediyay Golaha Wakiilada .
Md Xirsi Cali xaaji xasan waxa uu u caddeeyey golaha wakiilada in dembiyadii dalka ka dhici jiray ay sanadba ka xiga hoos u dhacayaan gaar ahaan dilalka iyo dembiyada kale ee waaweyn. Dalka oo dhana ay ka shaqeeyaan 76 saldhig boolis iyo 82 rug booliseed oo ay ciidamada boolisku ka hawlgalaan.
Dhanka dhaqaalaha ayaa wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay in miisaaniyadda kor loo qaaday oo halkii ay 42 milion ka ahayd sanadkii 2010 ay sadexdii sano ee xukuumadani jirtay la gaadhsiiyey 125 milyan oo doolar. Lacagtii giimbaarta ahaydna laga bedelay gobolka togdheer, xiligana gacanta lagu hayo G/sanaag oo lacagtii laga bedelayo. Sidoo kalena lala dagaalamay musuqmaasuqa oo la hawlgeliyey hantidhowrka guud ee Qaranka.
Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Su’aalaha Mudanayaasha iyo Jawaabaha Wasiirka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/wasiirxirsi.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com