Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socday dalka Sweden
Muqdisho 04.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga Gunilla Carlsson.
Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dalka iyo xoojinta kaalmada ay dowladda Sweden u fidiso Soomaali, iyadoo uu madaxweyne Xasan sheegay in dowladda Sweden ay wada gaareen heshiis cusub oo ku saabsan horumarinta Soomaaliya kaasoo dhaqaalaha ku bixi doona loo soo marsiin doono Bangiga adduunka, IMF, UNDP iyo hayaddaha kale oo caalamiga ah.
Wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ee Sweden Gunilla Carlsson ayaa sheegtay in Sweden ay u qorsheesay Soomaaliya 40 Million oo doolar oo lagu hormarinayo arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dimuqraadiyadda.
Gunilla Carlsson ayaa tilmaantay in iyaga oo kaashanaya Soomaalida qurba joogta ah ay sameyn doonaan maalgashi shaqooyin loogu abuuri karo dhallinyarada.
Waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadday dhabbihii nabadda iyo horumarka, balse ay jiraan caqabado u baahan in la iska kaashado si looga gudbo, loona gaaro nabadda iyo horumar lagu waaro.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com