Madaxweyne Faroole oo Shuruu ku Xidhay Wada-hadal Maamulkiisu la galo Dawladda Federalka Soomaaliya
Adis Ababa:4-sep-2013(SDN)—Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo Hore u iclaamiyey inuu xidhiidhkii u jaray Dawladda Federalka somaliya, ayaa shuruud ku xidhay wada-hadal uu la galo.
Faroole oo waraysi siiyey Telefishanka Somali chanel xilli uu ku sugan yahay Magaalada Addis ababa, ayaa tilmaamay in xidhiidhka u dhexeeya maamulkiisa iyo Dawladda somaliya uu yahay mid ku salaysan Dastuurka, waxana uu ku adkaystay in dib looga noqdo qodobaddii Dastuurka ee la beddelay.
“Wada-hadallo aan la furno dowladda Soomaaliya waxaa ka horreeya in la aqbalo in dastuurkii laga bedelay 31-ka qodob dib loo soo celiyo, markaas ayaan ogolaan karnaa inaan wada-hadalka ogolaanno,” ayuu yidhi Faroole.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in dastuurka wax laga bedelay, isla markaana midka hadda lagu dhaqmayo uu yahay mid aan ahayn kii lagu saxeexay Muqdisho, isagoo sheegay inaanay ogolaan karin dastuur wax laga bedelay iyadoon iyaga wax talo ah la weydiinin.
“In dib loogu soo celiyo qodobbada aan sheegnay in laga bedelay dastuurka wax aan ahayn oo aan aqbalayno ma jirto. Dowladdana wax wada-adal ah la geli mayno inta dastuurka dib loogu soo celinayo kiisii hore,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan kulan uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeeshay ergadii maamulka Jubba uga qayb galay shirkii Addis Ababa, wuxuu ku sheegay inuu aqoonsaday heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulkii Jubbooyinka, waxana uu Haatan u muuqdaa inuu ka soo dabcay mawqifkii hore ee uu taagnaa, iyadoo sababtana loo malaynayo inuu isku arko in la go’doomiyey, maadaama dawladda iyo madaxweynaha Jabbaland oo markii is hayey hadda heshiiyeen.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com