Wasiirka Madaxtooyada iyo Nuxurka Warbixin uu Siiyay Golaha Wakiilada,Raxmaadka eebbe oo Waxqabadka Xukuumada uu ku daray {DHAGAYSO}
Hargaysa 04.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji xasan ayaa maanta hor tegay Golaha wakiilada Somaliland halkaasoo uu warbixin balaadhan ka siiyey hawlaha wasaaradiisa iyo xaaladda guud ee dalka.
Wasiirka Madaxtooyada oo golaha ku wargeliyey warbixin kooban oo taabanaysay xog ogaal u noqoshada xaalada guud ee dalka ayaa soo dhoweeyey hanaanka is xog waraysiga iyo isla xisaabtanka ku dhisan ee ka dhexeeya hay’adaha dastuuriga ah ee dalku leeyahay.
Wasiirka oo ka hadlayey dhinacyada arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo arimo kale oo ay ka mid tahay nabadgelyadu ayaa waxa uu sheegay in inkastoo ay weli jiraan meelo aan roob helin hadana ay inta badan dalka ka hooreen raxmadii ilaahay looga bartay.
Dhanka nabadgelyada aya wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadu kor u qaaday oo kordhisay ciidamada qalabka sida iyadoo ay ugu yaraan afar dufcadood oo kala dambeeyaa ay u soo baxeen ciidamada Booliska, sadex dufcadood oo kalena ay u soo baxeen ciidamada millateriga, ciidamada baddana ay u soo baxday hal dufcad oo dhamaystiran doonyahoodiina loo iibiyey. Lana dallacsiiyey toban kun oo askari oo derejooyinkoodii la siiyey ayna ula socoto gunnadoodii.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/xirsi12(1).mp3″]
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Warbixinta Wasiirka Madaxtooyada
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com