Weerarkii lagu qaadi lahaa Suuriya oo Kaabiga saaran iyo Senate-ka Maraykan in Hujuum la qaadi karo
Washington:4-Sep-2013(SDN)- Xubnaha aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa oggolaaday qaraar qabyo ah oo u oggolaanaya madaxweyne Obama in weerar uu ku qaado Suuriya.
Qaraarkan waxaa u dhiman in si rasmi ah ay u ansixiyaan golayaasha sharci dejinta ee dalka Maraykanka, Haddii ay taasi dhacdona waxa uu madaxweyne Obama awood buuxda u heli doonaa inuu gacantiisa wax kaga qabto dalka suuriya.
Arrintan ayaa la filayaa in loo codeeyo toddobaadka soo socda, iyadoo madaxweynaha iyo inta ku xeeranina ay il gaar ah ku eegayaan halka ay sal-dhigato, waxana haatan socda istaraatiijiyad military oo lagu weerarayo suuriya sidii loo dejin lahaa.
Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golayaasha baarlamaanka, John Boehner, ayaa sheegay in uu taageersan yahay tallaabada militeri oo uu madaxweyne Obama doonayo in uu ka qaado Suuriya.
Boehner ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanku farriin digniin ah u diro Suuriya si aanay u adeegsanin hubka kiimikada.
Obama ayaa sheegay in uu doonayo in Suuriya uu ku qaado weerarro kooban oo lagu wiiqayo awoodda ciidammada madaxweyne Bashar Al Asad.
Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu eedeynayaa in hubka kiimikada uu u adeegsaday dadka reer Suuriya.
Laakin qaraarkan qabyada ah waxa uu mamnuuc ka dhigayaa in ciidammada dhulka ee Maraykanka loo diro dalka Suuriya.
Somalidiasporanews,com