|

Hoggaanka Kulmiye oo Kulamo gaar gaar ah yeelanaya iyo ifafaale khilaaf oo Durba ka muuqda

Hargeysa:4-Sep-2013-(SDN)-Xisbiga Talada Dalka Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa madaxdiisa, siiba xunbaha ugu sarreeya iyo qaar ka mid ah Golihiisa dhexe ay ayaamahan kulamo gooni goonni ah ku yeelanayeen xarunta xisbigu ku leeyahay Magaalada Hargeysa.

kulmiywKulamada oo ahaa qaar albaabadu u xidhnaayeen oo aan war badan laga haynin, ayaa haddan wararka hoose ee ay helayso Qurbejoog.com, waxa ay sheegaysa in kulanka marka hore ujeeddadiisu ahayd sidii la iskula sii gorfayn lahaa Go’aan midaysan oo lagu galo shiweynaha xisbiga oo muddo bilo ahi inaga xigto, maadaama la hubi inay garoonka doorashada ku cartami doonaan rag miisaan leh oo u doobridanaya hogaanka dalka iyo ka xisibigaba.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in shirarkaaas oo toddobaadkan aynu ku jirno ilaa laba goor la isugu yimi, ay ka maqnaayeen qaar ka mid ah ragga ku dhaw guddoomiyaha xisbiga kulmiye oo uu ugu horeeyo Guddoomiye Talyanle oo sababo aan la aqoonsan uga maqnaaday shirkaas hoose ee hogaanka xisbigu yeeshay.

Lama sheegin wax go’aan oo ay ka midaysnaayeen xubnihii shirkaas isku yimi, waxana la xusay in  goobta lala yimi ra’yiyo kala duwan oo la xidhiidha qaabka loo qaban qaabinayo shirka dhamaadka sanadkan xisbigu isku iman doono, oo dad badani saadaalinayaan inuu dhul gariir ba’an iyo dil dilaac ku keeni doono xisbiga Kulmiye.

Ragga xisbiga ugu tunka weyn ayaa la sheegayaa inay soo jeediyeen in madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa talo loogu noqdo, halka Rag Kalena madasha ka soo jeediyeen in xisbigu marka hore gudihiisa go’aan ka gaadho, ka dibna talada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa lagula noqdo.

Kulamadaas ayaa soo gebogaboobay tiiyoon wax talo go’an la isla meel dhigin, waxana lagu ballamay in mar kale la isku soo noqdo si  la isugu soo dhawaado.

Ninka haatan xawaaraha siyaasadeed ku socda ee wasaaradda maaliyadda gacanta ku haya, islamarkaana lagu xanto inuu gacan-saar hoose la leeyahay madaxweyne siilaanyo, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaan imanin madasha, waxana la sheegayaa inuu shirka si hoose ula socday rag adag oo uu ku kalsoon yahayna madasha dhex dhigtay, kuwaas oo halkaas ka jeediyey badheedhaha uu cabdicasiis wax ku  doonayo.

Lama garan karo halka uu  ku biyo shuban doono dhaqdhaqaaqa xooggan ee loogu jiro qabashada shirweynaha xisbiga kulmiye, waxana la hubaa oo kaliya inuu shirkaasi noqono doono mid warkiisu in badan dhegaha dadweynaha ku soo noqnoqon doono.

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa/Somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed