Wasiir cukuse oo shir al-baabadu u xidhan yihiin la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha TV-ga Qaranka, Farriimo Guul-wade-nimo ahna Dhegaha ugu shubay
Hargeysa:4-Sep-2013(SDN)-Wasiirka wasaaradda war-faafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse) ayaa maalintii shalay shir al-baabadu u xidhan yihiin la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha Tv-ga qaranka.
Kulankan oo loogu magac daray dardar gelinta hawlaha Telefishanka qaranka, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey badiba shaqaalaha lagu tuhmo inay u faro dhuudhuuban yihiin ama u dhago nugul yihiin awaamiirta Guul-wade-nimada, waxana lagu lafo guray sidii boodhka looga jafi lahaa qaabka war-baahineed ee Telefishanka oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhinaca madaxtooyada laga saluugsanaa hab-sami u socodkiisa shaqo.
Sida ay Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com ku helay ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw shirkii uu wasiirku la galay waax ka mid ah shaqaalaha Tv-ga, waxa uu wasiir cukuse ugu horrayn shaqaalaha ku wargeliyey inay dhammaantood ku khasban yihiin inay ku dedaal sidii ay u baahin lahaayeen wararka ku saabsan masuuliyiinta dawladda oo uu ugu horreeyo madaxweynuhu, maadaama uu dhinaca xukuumadda ka jiro biyo diid ku saabtsan qaabka loo baahiyo wararka masuuliyiinta qaranka.
Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu wasiirku si badheedh ah ugu sheegay shaqaalaha in sababta mushaharka loo siiyaa ay tahay sidii ay u buun-buunin lahaayeen dhacdooyinka ku xeeran masuuliyiinta xukuumadda ee xilalka kala duwan haya, islamarkaana wakhti ku filan kuna habboon loo siin lahaa wararka masuuliyiinta qaranka.
Warka kale ee ku cusbaa kulankaas ayaa ahaa in shaqaalaha lagu wargeliyey in Maxamed-siciid Muxumed uu haatan wixii ka dambeeya noqon doono Madaxa wararka Telefishanka Dawladda, islamarkaana shaqaale-weynaha kala duwan ee xarunta looga baahan yahay inay si weyn ula shaqeeyaan xubintaas wasiir cukuse u gartay inuu isku dubba-rido hawlaha wararka Telefishanka qaranka.
Warka kale ee kulankaas dhexdiisa shaqaalaha lagu wargeliyey, ayaa ahaa inay mamcuuc tahay in madal war ka dhacayey oo uu ka qayb galay masuul xukuumadda ka tirsani waxa ay doonto ha ahaatee aan warkiisa wax lacag ah lagu xidhi doonin, arrintaas oo uu wasiirku sheegay inay tahay amar shaqaalaha looga baahan yahay in la fuliyo, maadaama ay jiraan warar ay ka dhex muuqdeen masuuliyiinta qaranka ugu sarreeya oo lacag darteed hore loogu diiday inay Telefishanka ka baxaan.
Telefishanka qaranka oo xarun dakhli oo xukuumadda muhiim u ah, ayaa markii hore la sheegay inay ka madax bannaan tahay wasaaradda warfaafinta, haatanse intii uu wasiir cukuse majaraha ku qabtay wasaaradda waxa uu u muuqdaa nin gacantiisa ku maamulaya telefishanka oo aan wax talo ah ka sugayn ragga ku magacaaban maareey-yaasha.
Lacagta tirade badan ee soo hasha Tv-ga qaranka ayaan war badan laga haynin cidda sida tooska ah u qaadata, waxase laga wada war-qabaa inay lacagtaasi si bilaa xisaab ah ugu dhex wareegto telefishanka, mana jiraan xisaab xidho caddaan ah oo telefishanku leeyahay.
Lacagta ugu badan ee Telefishanka qaranka soo gasha,ayaa ka soo baxda dhinaca xayeysiisyada, iyadoo intii muddo ahaydba lacag qaddarkeeda lagu sheegay $100 dollar lagu soo rogay war kasta oo yeesha san-saan lacageed oo xarunta tv-ga la keeno, taas oo iyaduna culays ku ahayd wariyayaasha telefishanka oo cabasho badan ka muujiyey arrintaas, haatanse wax badan laga khafiifiyey.
Inkastoo uu haatan dalka ka maqan yahay Maareeyihii Tv-ga qaranku, haddana wasiir cukuse ayaa haatan sutida u haya hawlaha xatunta Tv-ga, waxana uu shaqaalaha ku wargeliyey inay wasiir ahaan waajibaad ka saaran yahay sidii Tv-gu u noqon lahaa mid tamartiisa inta badan dawladdu dheefsato, inta soo hadhayna shacabka loogu hagan baxo.
Wasiir cukuse ayaa ayaa dardar gelinta shaqadiisa ka bilaabay inay shaqada dibadda ka dhigo madaxii hore ee wararka Tv-ga Xamse Cali Bulbul, isagoo ku beddelay Maxamed-siciid Muxumed oo waayo arag ku ah hannaanka loola tallaabsado kacaanka, islamarkaana lagu yaqaano Guul-wadaynta Hadba cidda Hogaanka haysa iyo Raalligelinteeda.
Lama oga cidda wasiir cukuse awoodda u siisay inuu si toos ah faraha ula galo hawlaha Tv-ga Dawladda oo markii hore la sheegay inuu madax bannaan yahay, waxase iska muuqato inay madaxtooyadu ka biyo diidday qaabka maareeyaha Tv-gu wax u wado, taas oo keentay inay wasiir cukuse awood u siiyaan inuu maamulka la wareego.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa/somaliland
Contact@somalidiasporanews.com