|

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Suldaan Siciid Sul. Cabdisalaan iyo Nuxurka waxyaabihii ay ka wada Hadleen

Hargeysa:4-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa Habeen Hore qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Suldaanka Guud Ee Bariga Gobolka Sanaag Sul. Siciid Sul. Cabdisalaan.

jacfariWaftigan uu Suldaanku Hoggaaminayo, ayaa ay ka mid ahaayeen Salaaddiin,cuqaal, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda Beesha Bariga Gobolka Sanaag, iyadoo aanu jirin wax war rasmi ah oo ka soo baxay kulankooda maadaama saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kulankaas.

Xubno ka mid ah waftiga Suldaanku Hoggaaminayo oo ka gaabsaday in Magaciisa la xuso, ayaa shabakadda wararka ee Qurbejoog.com u sheegay  in suldaanku ku Bogaadiyey madaxweynaha Xasuumadda uu u fidiyey, islamarkaana ay wafti ahaan madaxweynaha hordhigeen tabashooyin is barkan oo beeshu dhinaca xukuumadda ka tirsanayso.

dhanka kale madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhoweyey wada-shaqeynta suldaan Siciid uu ballanqaaday, isagoo madaxweynuhuna halkaas ka ballan qaaday inuu wax ka qaban doono dhamaanba tabashooyinka dhinaca arrimaha Bulshada ah ee ay Beeshu xukuumadda ka tirsanayso.

 

Suldaan Siciid Sul Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa madax-dhaqameedki Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho kaga  qayb qaatay xuliddii  xubnaha Baarlamaanka federaalka Somalia, waxana uu Suldaanku sidoo kale caan ku yahay inaanu u kala furin saxaafadda oo iska takooro.

Suldaan Siciid ayaa ah nin hadallo cad cad oo ku dhac leh, waxana uu had iyo goor ku celceliyaa inuu tegi karo meel kasta oo uu Doono oo dantu u gasho, balse xidhiidhkan cusub ee uu madaxweynaha hortiisa ka ballan qaaday, ayaa loo arkaa mid wax badan ka tari kara xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee Bariga Somaliland.

Warar kale oo Suldaanka  ku dhaw, ayaa ayaa tibaaxaya inuu Toddobaadkan soo socda u kici tami doono dhinaca Dawlad-deegaanka Itoobiya oo uu casuumad Rasmi ah ka helay, halkaas oo la filayo inuu kulamo kula yeesho madaxda dawlad-deegaankaas.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed