Dawlada Kenya oo u qoondaysay lacag malaayin ah sidii ay ugu qancin lahayd dawlada UK inaan Qaadka Miirooga laga joojin dalkooda
Nairobi Sept 04,2013(SDN)-Waxa jiray olale xoogan oo ka bilaabamay dalka Kenya khaasatan gobolka uu qaadku ka baxa oo loo yaqaan Miiro County, waxanay ka tashanayeen sidii ay uga hortegi lahaayeen go’anka ay qaadatay Wasiirada Daakhiliga ee UK kaaso ku saabsana in laga joojiyo dalkan gebi ahaan Qaadka, sida aanu ka soo xiganay wargeyska Standard ee Kenya.
Sidaan hore u sheegayba iyado ay dawlada Kenya ka hesho lacag ku dhaw ila 80 million oo shilin sanadkiiba, taasoo ka mid ah dhaqaalaha ugu badan ay dawlada Kenya ka hesho waxyaaba la dhoofiyo. Aya hadana dadka ku beera Qaadka gobolka Miiraw waxay u ahayd habeen madaw warka ku saabsana joojinta Qaadka ee UK markii lagaga dhawaaqay, sababtuna waxay tahay iyagoo ku qabay dhaqaale iyo shaqa abuur intaba.
Si, kastaba ha ahaatee waxa wiigii imika dhamaaday ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ku xigeenka dalka Kenya Mr. William Ruto iyo Badhasaabka Gobolka Miiro Mr Peter Munya waxanay ku heshiiyeen labada masuul in si wada jir ah arrinta Qaadka ku saabsan looga wada shaqeyo, isla markaana ay dawladu ka cawiso goboka sidii uu Qaadka looga si wadi laha dhoofinta dalka UK.
Arrintana way isku raaceen labada masuul waxanay isku afgarteen inay u qoondeeyeen lacag dhan ila Sh 7 million taasoo lagu maal gelin doono arrinta u olalaynta sidii Qaadka loogu dayn laha Kenya inay u dhoofiso UK. Lacagtaas oo dhan ila Sh5 milliona waxa bixinaysa dawlada dhexe , gobolka Miiroona wuxu bixin doona Sh2 Million oo lacagta ka mid ah.
Marwo Florence oo ka madax ah ururka dumarka ee Gobolka Miiro ayaa tidhi“ waxan ka codsanayna Parlamaanka Kenya inay isku taxalujinlahaayaan sidii ay dawladaha Holland iyo UK ay uga dhadhicin lahayeen inuu Qaadka Miiroogu tago dalkooda” waxay tidhi dhaqaale badan baanu ka hela , shaqa badana wuu noo abuuray, waxaaso dhamina noloshayadii korbay u qaadeen caruurtayadiina waxbarashay noo heleen.
Inta ay sheegtay Florence ayaa ku ah caqabad reeraha Somalida ah oo dhaqaalahoodii baa qaadka ku baxa, burbur reer, waxbarasho la’an iyo caafimaad daraba. Waxa loo baahanyhay in dadkeenu sida u fekeraan.
Dhinaca kale ururka isu taga dadka gobolka Wajeer ee (NFD) imikana loo yaqan North Eastern Country , ayaa iyagu ku dhawaaqay inay iyagu u ictiraaf sanyihin Qaadka Miirooga mukhadaraad. Waxay yidhaadeen anaku ku hadlayna magaca dadka somalida ah waxanu ka soo horjeedna dooda ay ku doodayan gobolka Miiru oo ah in aanu ahayn Miiruugu Mukhadaraad. Waxanu leenahay waa Mukhadaraad dacwadii arrinta aan ku sheegaynayna waxanu u gudbinay Maxkamada
Gunaanadkii, waxan u sheegaya dadka somalida oo dhan inay ka go’antahay dawlada Kenya iyo Ethiopiapa inay iyagu ku socdaan sidii Maandooriyaha Qaadka loogu dhoofin laha meelaha Somalidu degantahay, si dhaqaalana uga helaan ay dalkooda ugu dhistaan kuwa kalena ku baabiyayan. Ila imika ma aragno qof masuul ah oo Somaliland ah ama Somaliya ah oo arrinta isu taagay, waar Qaadkii talaw mawuxu noqday Libaax laga baqay. Waxanay qoralkan ka mara kacaya sida ay Madaxda dawlada Kenya arrinta uga dhiidhiyeen.
Adan Jama Kahin
Gudomiye Ku Xigeenka
La Dagaalanka Qaadka.