Marwada Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigtay laba Dugsi oo laga Hirgalinayo deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo
Berbera 04.Sep 2013 (SDN) Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa deegaanka Laasa-dacawo ee tuulada Daray-godle ee Gobolka Saaxil,ku dhagax dhigtay Dugsi boodhin ah iyo Mid kale oo laga hirgalinayo degmada Mandheera kaas oo ay abaabulayaan Guddidii Batalaale ee ka soo horjeeday Dan iyo Duco.
Marwada waxa Safarkeeda ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku-xigeenka Amniga C/laahi Abokor, Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka kaga jira Gobolka Saaxil qaarkood iyo Madax dhaqameedka Beesha Ciise Muuse.
Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde oo dhagax dhiga dugsigaas ka hadashay ayaa tilmaantay faa’iidada balaadhan ee ay Dugsiyadani u yeelan doonaan ubadka ku dhaqan deegaankaasi,iyadoo u Mahadcelisay Cidkasta oo kaalin ka qaadatay in la dhiso dugsiyadan.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo SamSam Cabdi Aadan oo madashii dhagax dhiga labadaas dugsi ka hadashay ayaa ku boorisay Qurbejooga u dhashay Gobolka Saaxil inaanay Meel Khaldan ku bixin wixii wax tar ah ee ay kaga qayb qaadanayaan Horumarinta waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay Shakhsiyaad aanay Magac dhabin oo ay Sheegtay inay Wargaysyada ku qoreen inay dhulka ka soo qaadeen waxbarashadii Gobolka Saaxil iyadoo dalbatay cida sidaa ku doodaysaa inay soo cadeeyaan Dugsiga ay hal Kursi dhigeen iyadoo Taas badalkeedana Xustay inay u Mag dhabi doonto.
Wasiir ku-xigeenka Amniga C/laahi Abokor ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay in Xukuumada uu Hormoodka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay u taagan tahay waxqabad dhab ah waxaanu xusay in Wasaarada Maaliyada laga helay Xogo Muujinaya in dawladii hore ee Madaxweyne Rayaale ay 21 Marfish oo Caasimada hargaysa ku yaala ay ugu talo gashay inay ka abaabusho arrimaha siyaasada hasa ahaatee Xukuumada haatan jirtaa ay ka weecatay dhabahaas oo dib u dhac ku keenaya ayuu yidhi horumarka qaranka.
Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xubno door ah oo ay ka Mid ahaayeen Maareeyaha Dekeda Berbera,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga iyo Xildhibaano kale.
Weftiga ay Hogaaminaysay Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde ayaa deegaanka Laasa-dacawo loogu sameeyay Hadhimo sharafeed loogu sii diyaariyay.
Dhagax dhiga labadan Dugsi ayaa u muuqda mid Xukuumadda iyo taageerayaasheeda Gobolku kaga gil-gilanayaan Waxqabad muuqda oo ay Guddida Dan iyo Duco ku soo bandhigeen Hotelka Maan-soor mar ay u dabaal degayeen mudadii ay jireen, xafladaas oo ay ku soo bandhigeen Laba Dugsi oo Boodhin ah oo ay ka hirgeliyeen Gobolka.
Dhagax dhiga labadan Dugsi ayaa lagu waday markii hore in uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo soo dhagax dhigo ,Balse Sabab aan la cadayn ayaa keliftay in Marwadiisu ay Matasho kaalintiisa.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com