Dowladda Somalia oo ka aamustay dhawaqa Qaylo dhaanta Punt land,Isla markaana bilowday Qorshe Cusub
Muqdisho 03.Sep 2013 (SDN)- Xog naga soo gaartay qaar ka mid ah saraakiisha dowlada federaalka Soomaaliya ee sida weyn ula socda dhaqdhaqaaqyada Madaxda sare ee Federaalka ayaa waxa ay sheegaysaa in Madaxweynaha, Ra,iisulwasaaraha iyo xubanaha kale ee wasiirada ay bilaaween qorshe cusub oo ay ku soo jeedanayaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya islamarkaasna ay dhegaha kaga fureysanayaan qeylodhaanta joogtada ah ee Maamulka Punttland ee Soomaaliya.
Waxa ay ku heshiiyeen in ay sameeyaan qaab kasta oo nadab iyo wadasheyn ay horkaceyso dowlada federaalka ay ugu hirgalin karaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyagoo si weyn ay ugu muuqato in ay ku jahwareereen siyaasada markasta ka soo horjeeda ee Puntland waxa ayna u arkeen in ay caqabad ku tahay gudashada waajibaadkooda, sida wararka ay sheegayaan
Sidaas darteed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay golaha wasiirada iyo dhamaan xubnaha kale ee dowlada in wax muhiimad ah aanan la siinin qeylodhaanta Puntland danahoodana ay ka raacdaan, isagoo balan qaaday in uu ka soo xir xirayo caawinaada uu mar walba ka raadsado dalalka dariska oo u saamaxda in uu isku taago dowlada federaalka.
Wararka oo tusaaleyn macquul ah soo xigtay ayaa sheegay in heshiiskii Axmed Madoobe lala gaaray uu ka mid yahay qorshaha Cusub ee dowlada federaalka ay la timaaday, waxaa sidoo kale ka mid ah socdaalkii taliyaha ciidamada ee gobollada dhexe iyo socdaalka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay Magaalada Marka oo ka mid aheyn meelaha cadaadiska badan uu ka haystay Dowlada Soomaaliya.
Sidaasoo kale ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo iyo goboladaasi Bay iyo bakool ay aadaan wafdi dhanka dowlada ah oo aanan la ogeyn in madaxda sare ay ku jiraan iyo in kale, iyadoo Magaalada Muqdishana uu ka socdo shirweyne qaran oo looga tashanayo geedi socodka siyaasada soomaaliya iyo tiigsiga sanadka 2016 oo dowlada ay balan qaaday in doorasho guud ay ka hirgaliso gudaha Soomaaliya.
Wararka waxa ay leeyihiin Qorshaha cusub ee Dowlada federaalka waxaa ka mid ah in gabi ahaanba la iska ilaawo cabashada Puntland oo ay ku tilmaameen iyagoo u arkay in ka dambeyso ujeedo u gaar ah oo ka fog waxa ay afka ka sheeganayaan.
Sidaas darteed ayay dowlada federaalkadoonaysaa in marka hore ay ka shaqeeyso nabadeynta iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo ay wada gaarsiinayso bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kadibna ay u soo jeestaan sida ay ula maacaamilayaan Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo sheegay in uu xiriirkii u jaray Federaalka masuulna aysan ka aheyn.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo isagana dareensan siyaasada cusub ee lagula dhaqmaayo ayaa bilaaway in uu raadraaco dhaqdhaqaaqyada Dowladda federaalka oo safaro kala duwan ku bixinaya dalalka Kenya iyo Itoobiya oo la aaminsan yahay in uu kala hadlaayo heshiiskii lala gaaray Axmed Madoobe iyo in iyaga aaanan lagala tashan.
Hase ahaatee uu u taageeray iyaga dartood waa Kenya iyo Itoobiya maadaama ay goobjoog ka ahaayeen, qofkii ka hor imaadana ay ka xumaanayaan, sida wararka lagu yiri.
Haddii dowladda federaalka ay ka dhabeyso qorshaha cusub ee bilowgiisa la wada dareemay waxaa suuragal ah in ay ku guulaysato qorshaheeda ah in 2016 ay dalka gaarsiiso nabad guud iyo codbixin guud haddiise ay dibn ugu laabato siyaasadii dibada kaliya ka dhisneyd ee gudaha aanan ka muuqan waxa ay mar kale u gacan galaysaa siyaasiyiinyta is bahaystay ee doonaya in ay go,doomiyaan kadibna way ku fashilmaysaa gudashada waajibaadkeeda.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com