‘Maxkamadi Sanaag Waxay Noqotay Saylad Halka Ugu Xumina Waa Xer Ilaalinta” Xildhibaan Jamac Jibriil
Ceerigaabo 03.Sep 2013(SDN)- Xildhibaan Jaamac Jibriil Jaamac ”JJ” oo kamid xildhibaanada golaha deegaanka degmada ceerigaabo ayaa eedayn kulul dhalada usaaray maxkamada gobolka oo uu sheegay inay noqotay saylad ay joogaa dad uu ku sheegay dilaaliin waxana uu xildhibaan Jaamac farta ku fiiqay in sababata cadaalada gobolka sanaag la dhitinaysa ay tahay xer ilaalinta oo shaqadeedi ka seexatay.
Waxana Uu Yidhi ”Cadaalada cida baabisay waa nimanka maxkamadaha dhibanayaashana midba gaar ayay laaluush uga qaadayaan midnana waxba loo qaban maayo afar sano ha gaadho dhawr sano ha kasoo wareegto cid wax ka qabanaysaana ma jirto meel ba’day oo dadka lagu baadho oo saylad ah bayna maxkamadii noqdeen oday yar oo jis cama kula soo baxaya baa jooga uun qaar baanu aragnay aanu warqadi afsomaliga ahayd ee aanu udhiibnay fooror u akhriyay oo jaahil ah oo dadkii xukumaya waa laga yaaba rag aqoon lihi inay joogaan meesha laga dhintayna waa xer ilaalinta gobolka”
Xildhibaan Jaamac waxa kalo uu amaan kula dul kufay Taliyaha qaybta police ka ee gobolka sanaag oo usheegay in taliye Gacmayare ka hor ay police ku dumarka magaalada kubsan jireen balse iminka uu ka muuq nidaamkii ciidan police lahaan jiray
Waxana Uu Yidhi ”Hada ka hor dee police ku kuwa dadka dhaca iyo kuwa dumarada kubsada iyo waxaasi iyagay ahaan jireen laakiin nasiib wanaag intii taliyaha cusub loo dhiibay waxad mooda in amaankii iyo habkii ciidanimaba ay ka muuqato malaha Taliye Xasana taliye ka horeeyay ma jiro haddu tagona mid ka dambayn doona ma jiro”
Xildhibaan Jaamac Jibriil Jaamac ayaa waxa uu hadalkaasi ka jeediyay kulan ay haayada FCA-Finland u qabatay masuuliyiinta gobolka degmada iyo madaxda deegaanada gobolka sanaag kaaso diirada lagu saarayay sidii qorshe loogu samayn lahaa waxyaabaha nabad gelyada khal khal geliya