“Kumaan Amrin Warbaahinta Gobolka Gebilay inay Wararkooda inta aanay baahin isoo Mariyaan” Gudoomiyaha Gebilay {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gobolka Gebiley Md Yuusuf Ibraahin Geeddi ayaa maanta sheegay inay hadda gacanta ku hayaan dib u furistii gegida diyaaradaha ee Magaalada kalabaydh, qalabkii lagaga shaqayn lahaana uu u soo socdo.
Gudoomiyaha gobolka Gebiley Yuusuf Ibraahin Geedi waxa kale oo uu beeniyey inuu ku amray warbaahinta gobolka ka hawlgasha inay soo mariyaan wararkooda ka hor inta aanay dirin, waxana uu ka dalbaday warbaahintaasi inay warbixinahooda ku saleeyaan runta isla markaana ka dhigaan kuwo dheellitiran
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gabailey.mp3″]
Halkan Guji Si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalka Gudoomiyaha Gebilay
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com