|

“Ma Jiro Wax Weerar ah oo Kooxda Alshabaab ku qaaday Weftiga Madaxweynaha Somalia” Afhayeenka Madaxweynaha

 Marka 03.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidamadda Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa ku hakadey degaanka No 50 halkaasi uu kula hadlay boqlaal qof oo ka tirsan dadka degaanka islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.

YariisoowWaxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmadda Marka , Saraakiisha ciidamadda iyo Shacabka magaaladda .

Ujeedda Safarka Madaxweynahu ee magaaladda Marka iyo degaanadda kale ayaa ah baahinta nidaamka Dowladnimo ee goboladda dalka , dib-uheshisiinta, la tasshiyada bulshadda Shirweynahayaasha Qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Burgles iyo aragtida fog ee Dowladda ee ah in doorashooyin dhacaan 2016.

“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay Madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconaa Kooxaha nabad diidka wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah Madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.

Marka SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed