Maxkamadda ciidanka qalabka Sida ee Somalia oo toogasho ku xukuntay labo askari
Muqdisho 03.Sep 2013 (SDN)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo xiddigle Yaxye Sheekh Cabdullaahi oo ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Xuseen Cali Axmed oo xubin ka ah ciidamo madani ah oo ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ku eedaysnaa fal dil ah oo ay wadajir uga fuliyeen magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in labada ninba ay ku caddaatay in galinkii dambe ee shalay ay dileen labo marxuum oo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu ay dil ku xukuntay labada gacan ku dhiigle, kaddib markii uu ku caddaaday dil bareer ah oo ay u geysteen labo ka tirsanaa ciidanka booliska ee dowladda.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horey waxay xukunno kala duwan ugu ridday dad ay ku caddaadeen eedaymo loo heystay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com