“Korodhka Miisaaniyada 2014 Kuma Jiraan Shaqaale badani inay Galaan ama ka dhex Muuqdaan Balse..” Wasiirka Maaliyada Somaliland {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa Sheegay In Miisaaniyada Xukuumada ee Sannadkan aynu ku Guda Jirno ee 2013 ay dhamayd 125 Milyan,Waxaanu Xusay inay weli ku Hawlan yihiin sidii ay u dejin lahaayeen Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee sannadkan soo socda.
Wasiirka Maaliyadu waxaa kale oo uu Tilmaamay in Miisaaniyada dawlada dhexe ee Sannadkan aynu ku Guda Jirno ay tahay 187 Milyan Isagoo intaas raaciyay inay rajaynaynayaan inuu Sannadka 2014-ka uu Gaadho 200 oo Milyan.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxaa kale oo uu Iftiimiyay in dhaqaalaha dekeda berbera ka soo baxaa uu Madaxtooyada Somaliland ku Xeroodo oo lagu tagri falo iyo inuu Miisaaniyada dawlada ka dhex muuqdo,Waxaase uu qiray inuu Jiro Kharash aan gelin Buuga Miisaaniyada.
Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa hadalkan ka Jeediyay Barnaamijka Maqal dadkaaga ee Wasaarada Warfaafintu soo qaban qaabiso iyadoo Su’aalo Xiiso badan oo daran doori ah ay halkaasi ka weydiiyeen dadweynihii ka qayb galay oo qaarkood sheegay inuu Wasiir Samaale Cadaalad daro ku kacay Mudadii Koobnayd ee uu wasaaradan hogaaminayay.
Hadaba Barnaamijkan oo Xiiso badan ayaa Shabakada Qurbejoog.com halkan idiinku soo Gudbinayso.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Maqaldadkaaga.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com