|

Wiilkii afaraad oo Soomaali ah oo dhawr bilood gudahood lagu dilay Toronto,Canada

Toronto Sept 03,2913(SDN)-Wiil dhalin yaro ah oo Toronto lagu dilay shalay ayaa noqonaya kii afaraad oo todobaadyo gudohood ku dhinta magaalada Canada uGu weyn ee Toronto.

Yuusuf Tifoow oo 16 jir ahaa ayaa allaha u naxariistee dad yiqiinay ay sheegeen in uu ahaa wiil wanaagsan.

Marxuumka ayaa la sheegay in booliska magaalada Toronto ay dhaawiciisa ka heleen daar dheer oo ku taal galbeedka magaaladaasi ka dib kolkii la maqlay rasaas halkaa ka dhacday.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen dhaawaca Marxuumka oo naftu ka sii baxeyso,ka dibna ay naftu ka baxday xili cusbitaalka lagula cararayay.

Ma cada cida dilka geysatay booliskuna ilaa iyo haatan cidna umay qaban falkan dilka ah.

Yuusuf Fiidoow ayaa noqonaya wiilkii afraad ee Toronto ku dhinta dhawrkii todobaad ee u danbeeyay,mana cada cida dilalakan ka danbeysa.

Waalidiinta Soomaalida iyo xarumaha adeegyada ee Toronto oo kaashanaya siyaasiyiinta gobolkan Ontario iyo magaalada Toronto ayaa soo jeediyay tilaabooyin wax looga qaban karo dilalakan soo noqnoqday.

Balse ilaa iyo haatan wax miro ah oo muuqda oo ka soo baxay juhdigaasi ma jiro.

SDN-Toronto

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed