|

Madaxweynaha Ruushka oo Mareykanka u diraya ergo Baarlamaanka dalkaas ah

Moscow Sept 03,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa kulann uu shalay la yeeshay afhayeenada labada aqal baarlamaan ee dalkaas waxa ay iskula soo qaadeen sidii loogu qancin lahaa xildhibaanada mareykanka in aaney aqbalin colaad ka dhan ah Syria.

Xildhibaanada labada aqal ee dalka Mareyknaka ayaa haatan ka doodaya dalab uu madaxweyne Obama u jeediyay oo uu uga codsaday in ay ansixiyaan weerar lagu qaado Syria.

Weerarka Syria ayaa jawaab u ahaanaya weerar sun loo adeegsaday oo  Mareykanku sheegay in xukuumada Syria ay ku qaaday duleedka Dimishiq dhawaan.

Madaxweyne Putin ayaa haatan doonaya in Marekanka lagu qanciyo in ay is xakameeyaan oo aaney qaadin duulaan ka dhan ah madaxweyne Bashar Al Asad.

Ma aha markii u horeysay ee Ruushku xuldhibaano u diro Mareykanka si loogu qanciyo in aaney soo saarin shuruuc lidi ku ah danaha Ruushka.

SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed